|
Mareykanka oo muwaadiniintiisa uga digay Al-Shabaab iyo burcad badeedda Soomaalida.
Mogadishu Khamiis 19 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Mareykanka oo muwaadiniintiisa uga digay Al-Shabaab iyo burcad badeedda Soomaalida.
War ka soo baxay wassaarada arimaha dibada dowlada mareykanka ayaa waxaa digniin loogu jeediyay dhamaan muwaadiniinta Mareykanka ka joogta wadamada caalamka oo ay ku jirto soomalia ku waas oo looga digay in ay ka foo jignaadaan weeraro kaga yimaada waxa mareykanku uu ugu yeero argagixisada iyo kooxaha burcad badeeda Soomaaliada.
Wasaaradda arimaha dibadda dalka mareykanka ayaa warkeeda ku sheegay in ay aad uga walaacsan tahay amaan darada iyo qarax yada ay kooxaha argagixida geysanayaan kuwaas oo ka dhacaya caalamka , suurto galna ay tahay in la la eegto muwaadiniinta maraykanka ah oo socdaalada ku maraya caalamka gaar ahaan wadamo ay kamid tahay somalia iyo kenya oo si gaar ah warbixinta ka soo baxday wasaaradda arimaha dibadda dalka Maraykanka ay u xustay oo ay sheegtay in Al shababka somalia iyo burcad badeedda soomaaliyeed ay abaabulayaan weeraro , qaraxyo iyo afduub ka dhan ah muwaadiniinta maraykanka ee kugan somalia iyo kenya.
"Waxaan idinkaga digeynaa inaad diktoonaataan safarada goobaha dalxiiska iyo goobaha cibaadada, waxaan sidoo kele idinku boorinaynaa inaad ka diktoonaataan fariisiga goobaha dadku ay isugu yimaadaan sida maqaayadaha, hoteelada iyo goobaha kale "ayaa lagu yiri warka ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda dalka Maraykanka, iyadoo intaasi la sii raacsiiyay in muwadiniinta wata doomaha dalxiiska ah aysan u dhawaanin biyaha Somalia.
Saraakiil ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda dowladda maraykanka ayaa sheegay inay soo gaareen fariimo digniino oo kaga yimid xarakada Al-shabaab iyo kooxaha burcad badeedda soomaalida kuwaas oo muujinaya abaabul falal argigixisinimo ah.
Dhinaca kale Wax cusub ma aha in mareykanku Muwaadiniintiisa ku sugan wadamo ay ka mid yihiin Kenya iyo Somalia uu u jeediyo fariin digniin ah.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|