|
Bambooyinka Gacanta laga tuuro oo lagu weeraray Maqaayad ku taala Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi bari ee Kenya
Mogadishu Khamiis 19 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Bambooyinka Gacanta laga tuuro oo lagu weeraray Maqaayad ku taala Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi bari ee Kenya.
Wararka laga helayo magaalada wajeer ee gobolka waqooyi bari dalka kenya ayaa ku waramaya in bombaanooyin kuwa gacanta laga tuuro lala eegtay maqaaxi ku taala magaalada wajeer oo ay ku sugnaayeen dad aad u badan
Inta la xaqiijiyay shan ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi kuwaas oo qaarkood dhaawacoodu ay halis yihiin sida ay ku waramayaan saraakiil booliska kenya ka tirsan oo la hadlay wakaaladda wararka ee reuters .
Dadka dhaawacmay ayaa dhaawacoodu waxaa lagu dabiibayaa isbitaal ku yaala degmada wajeer .
Dowladda kenya ayaa al shabab dusha kaga tuurtay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana lagu soo waramayaa in qaraxaasi uu ahaa mid aad u xooggan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|