Somali News
    Hees  

Aabbe Soomaaliyeed oo Qaar ka mid ah caruurtisa ku waayay qarax ka dhacay magaalada Baydhabo

Mogadishu Khamiis 19 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Aabbe Soomaaliyeed oo Qaar ka mid ah caruurtisa ku waayay qarax ka dhacay magaalada Baydhabo.

Qaraxa oo ahaa waxyaabaha qarxa oo looga tagay agagaarka hoyga Magaalada Baydhabo ay ka dagan yihiin qoyska Cali Cabdalla Mursal ayaa waxaa qaatay oo ku ciyaarayay caruur uu dhalay Aabe Cali Cabdalla Mursal oo ka koobneed Sagaal Caruura ah.

Caruurta ayaa bilaabay inay garacaan sheyga qarxa oo ay ku ciyaarayeen iyagoona markii dambe uu ku qarxay.

Inta la,ogyahay 7-caruur ah ayaa ku geeriyootay 2-kalena dhaawac daran ayaa kasoo gaaray.

Aabaha dhalay caruurtaasi Cali Cabdalla Mursal oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in caruurtiisa ay meel howd ah oo ku taala banaanka Magaalada Baydhabo ay kasoo heleen walxaha qarxa kadibna ay ku qaraxday dhamaan caruurta uu dhalayna 7-ka mid ah ay ku geeriyoodeen halka 2-kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxa uu xusay in goobta ay walxaha qarxay kasoo qaadeen aysan aheyn goob ciidan uu horay u daganayeen isagoo sheegay in caruurtiisa kan ugu weyn uu jiray 12-sano uu ku geeriyooday qaraxaasi.

Ugu dambeyn Cali Cabdalla Mursal ayaa xusay in labada caruurta kaga hartay dhaawacooda in uu daran yihiin.

Aabahani ayaa noqonaya mid caruurutiisa ku waayay dhibaatada ka jirta dalka soomaalaiya ay dagaala ka jiraan Gobolada qaarkood.

Dalka Soomaaliya kama jirto goob lagu keediyo hubka kaas oo looga ilaalsho dadka aan aqoonta u laheyn waxyeelada uu ugeesan karo shacabka waxaana dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya ay meelaha qaar kaga tagaan waxyaabaha qarxa kuwaas oo naftooda ay ku waayaan dadbadan aan aqoon wanaagsana aanan u laheyn.dhiubaatadda aka dhalankarta walxahaasi.

Tanina ma ahan mid ugub ah waxaana jira gobladda dalka qaarkood sidaan si lamid ah inay had iyo jeer dhibaato cuslus ay ka soo gaaraan caruur aanan waxba ka garaneynin walxa qarxa iyo waxa ka dhalankarra iyagoo si fudud ugu ciyaara dabadeedna ay ku qarxaan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)