|
Kulan odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay ku yeesheen Muqdisho oo looga hadlay isla wada shaqeyntooda
Mogadishu Khamiis 19 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kulan odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay ku yeesheen Muqdisho oo looga hadlay isla wada shaqeyntooda
Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kulankaasi oo ahaa Siminaar ay soo qabanqaabisay hay'adda CCD isla markaana odayaasha dhaqanka uga hadleen qaabka ay isula shaqeynayaan.
Seminaarka odayaasha dhaqanka loogu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Dowladda KMG ah, Culumaa'udiin, waxgarad iyo odayaal dhaqameedyo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, waxaana furitaanka seminaarkaasi khudbadda furitaanka ka jeediyay halkaasi Imaam Maxamed Yuusuf oo uga mahad celiyay hay'adda CCD qabanqaabada kulamada noocaan oo kale ah.
"Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed si ay u xoojiyaan wada shaqeynta dhexdooda ah waa inay marka hore sameystaan xarun ay ku kulmaan" ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf oo sheegay dhinaca kale odayaasha dhaqanka inay sameystaan guddi arrimahooda ka shaqeeya.
Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in maanta talada dalka gacanta loo geliyay odayaasha dhaqanka, sidaasi daraadeedna odayaashu yihiin iftiinkii dalka, loogana baahan yahay inay soo xulaan xubno aqoonyahano ah oo haddii lagu daro aqoonyahanada Dowladda dhexe maamulaya inay dhammaaneyso mushkiladda Soomaaliya, sidaasna dowlad rasmi ah dalka loogu helayo.
Dhinaca kale Sheekh Axmed Abuukar Gaabow oo halkaasi ka jeediyay khudbad ayaa sheegay in wax fiican ay tahay maanta odayaasha dhaqanka in la weydiiyo masiirka shacabka Soomaaliyeed, isagoona tilmaamay in doorka odayaasha dhaqanka uu yahay mid soo jireen ahaa oo aanay maanta oo kaliya ugu horeynin, isagoona xusay in odayaal fara badan ay u geeriyoodeen iyagoo ka talinaya samaha iyo in dadku nabad ku wada noolaadaan.
"Odayaasha Soomaaliyeed waa inay is cafiyaan marka hore isla markaana ay iska iloobaan xurgufaha yar yar dibna u heshiiyaan wixii dhex maray" ayuu yiri Sheekh Axmed Abuukar Gaabow.
Nabadoon C/llaahi Sayid Cali oo ah afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Banaadiriga Soomaaliyeed ayaa kula taliyay odayaasha marka hore inay midoobaan, isagoo tilmaamay in arrin kasta oo bulshada dhex dhacda odayaasha ay dhaqi jireen, maanta looga fadhiyo doorkaas inay ka soo dhalaalaan.
Mudadii uu socday Seminaarka, ayaa odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galay waxay muujiyeen dareenkooda ku aadan muhiimadda uu u leeyahay kulanka ay maanta isugu yimaadeen.
Sheekh Maxaadey Maxamuud Jilacow oo halkaasi khudbad qiimo leh ka jeediyay, ayaa ku booriyay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed bacdamaa masiirkii ummaddaan ay iyagu maamulayaan inay soo xulaan shaqsiyaad karti iyo aqoon u leh darajada loo magacaabayo.
"Dastuur waa wax lagu heshiiyo, balse dastuurku waa inuu ku saleysnaadaa midkii Alle soo dejiyay" ayuu yiri Sheekh Maxaadeey oo sheegay in adduunyada lagu hoggaamiyo cilmi, sidaas darteedna wax kasta oo la sameynayo waa inay hoggaan u noqdaan kuwa caqliga u saaxibka ah.








Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|