|
Dowladaha Yemen iyo Maraykanka oo Soomaaliya ugu hambalyeeyay maalinta 1-da July
Mogadishu Axad 1 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
 
Dowladaha Yemen iyo Maraykanka oo Soomaaliya ugu hambalyeeyay maalinta 1-da July.
Sida ay ku waramayso wakaaladda wararka u faafisa wadanka Yemen ee Saba M/weynaha dalkaasi Yemen Cabdi Rabuu Mansuur Al-Haadi ayaa M/weynaha Soomaaliya Sh, Shariif Sh, Axmed u soo diray warqad uu ugu hambalyaynayo munaasabadda 1 Luulyo oo ah maalinta madaxbanaanida iyo is raaca Soomaaliya.
Madaxweyne Cabdi Rabuu Mansuur waxaa uu ku sheegay warqadiisa ku sheegay inuu ummadda Soomaaliyeed la wadaagayo farxada, 1, Luulyo isla markaana uu M/weynaha Soomaaliya uu ugu baaqay ka shaqeynb nabadaynta Soomaaliya oo muddo dheer dhibaato ka jirto.
"Waxaan hambvalyo u dirayaa M/weynaha iyo Ummadda Soomaaliyeed oo aan ugu hambalyaynayo maalinta madaxbanaanida ee 1,da Luulyo waxaana u rajaynayaa barwaaqo iyo hormar" ayuu yiri M/weynaha Yemen Cabdi Rabuu Mansuur Al-Haadi.
Sidoo kale war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xog’hayaha arrimaha dibbada Maraykanka Hillary Rodham Clinton ayaa waxay dhambaal hambalyo ah ugu soo dirtay ummadda Soomaaliyeed oo maanta u dabaal dagaya 52 sano guuradii kasoo wareegtay markii laga xaroobay gumaysatayaashii mudada na gumaysanayay.
Clinton waxay sheegtay in sanadkaan ciidamada dawlada oo kaashanaya kuwa midawga Africa ee AMISOM ay guulo ka gaareen dagaalo ay la galeen dagaalyahanada Al-Shabab iyo Al-Qacida .
"Maalinta 1-da Luul farxadeeda dadka Maraykanku waa idinla qeybsanayaan" ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Hillary Clinton.
Kowda Luulyo waa maalinta ay gobolada koofureed ee Soomaaliya ka xaroobeen gumeystihii Talyaaniga sanadkii 1960,kii isla markaana ay midoobeen gobolada waqooyi iyo koofureed oo Soomaali is raacday.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|