Somali News
    Hees  

Munaasabad lagu xusayay 1-da Luuliyo oo ka dhacday Magaalada Muqdisho (Daawo sawirada)

Mogadishu Axad 1 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Munaasabad lagu xusayay 1-da Luuliyo oo ka dhacday Magaalada Muqdisho (Daawo sawirada).

Garoonka kubadda cagta ee Banaadir ayaa maanta waxaa ka dhacday Munaabasad lagu xusayay 1-da Luuliyo, Munaasabadaasoo ay ka qaybgaleen madax ka tirsan dowladda KMG ah oo uu ku jiray madaxweynaha iyo kumannaan dadweyne ah.

Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, oo munaasabadda furay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay goob ammaan ah, taasina waxa uu daliil ugu soo qaatay xuska maalinta xoriyadda oo si nabad ah loogu qabanayo bartamaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin qiime gaar ah ugu fadhida shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Soomaalida dibadda dalka ku nool uu u sheegayo in Muqdisho ay tahay nabad ayna ku soo laaban karaan dalkooda hooyo.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna halkaasi ka jeediyay khudbad qiiro lahayd ayaa sheegay in maanta ay si weyn uga duwan tahay sannadkii hore maanta oo kale, isagoo sheegay in goobtan ay ku sugnaayeen Al-shabaab maanta ay iyaga ku sugan yihiin.

"Waxay ahayd sannadkii hore halkaan meel ay gacanta ku hayeen kooxaha nabadda diiddan, maanta waxaa gacanta ku haysa dowladda, mahadeedana waxaa iska leh ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay qayb ka qaataan sidii lagu soo celin lahaa nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo in sannadkan kiisa kale lagu gaaro bash-bash, barwaaqo iyo horumar.

Dhinaca kale munaasabadaan ayaa ahayd tii ugu balaarnayd ee dalka ka dhacda, iyadoo dadweynaha Munaasabadaasi ka soo qeybgalay ay buux dhaafiyeen garoonka Banaadir Istaadiyum oo ay sannadkii hore gacanta ugu jiray kooxda Al-shabaab.



















Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)