Somali News
    Hees  

Maamulka Banaadir State oo Muqdisho ku qabtay munaasabad loogu dabaal degayo 1-da Lulyo

Mogadishu Axad 1 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Maamulka Banaadir State oo Muqdisho ku qabtay munaasabad loogu dabaal degayo 1-da Lulyo

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay isala markaana lagu maamuusayay Munasabaa 1luuliyo oo ah 52guuradii ka soo wareegatay markii ay xoriyada ka qateen gobolada koofreed gumastihi talyaaniga isla markaana ku asteesan isaarcii labada gobol waqooyi iyo koofur ee dalkeena.

Xaflada oo lagu xusayay munaasabada 1luuliyo ayaa waxa ay ka dhacday Hotelka Ambasadoor waxaana soo qabaqaabiyay maamulka Banaadir Stete waxaana ka sooqeyb galay Masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi siyaasiyiin Aqoon yahano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay Madaxweyne ku xigeynka baamulka banaadir State Sheekh Max’ed Sheekh Xasan waxaana uu shacabka soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada 1luuliyo isagoona tilmaamay in shacabka soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ku dadaalaan si dalka nabad waarta logu soo celin lahaa.

Waxaa qudbad dheer oo soo jiidatay dadkii kasoo qeybgalay xaflad ee kala duwana ausoo jeeddiyay afhayerenka madaxtooyadda Banadir State mudane Muxdiin Maxamed Xaaji.

Sidoo kale waxaa isna hadlkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Majmaca Culumda Soomaaliyeed Sheekh Axmed Dhicisow waxaana uu hambalyo ku aadan 1 luuliyo u jeediayay dhamaan shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay ku sugan yihiin isagoona xusay in maalinta ay tahay maalin ka weyn dhamaan umada Soomaaliyeed.

Maanta ayaa ku asteesan 52guuradii ka soo waregtay markii ay gobolada koofuree xoriyada ka qaateen gumestihii talyaaniga waxaana munaasabado lagu xusayay 1 luliyo ay ka dhacayeen gudaha dalka iyo dibadiisa.

Ugu danbeyntii waxaa jawi aad u farxad badan oo qurux badan kusoo gaba gaboobay Xafladii Lagu xusayay 1da luulyo.









Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)