|
Hambalyp 1 Luuliyo: Soomaaliyeey toosoo toosoo isku tiirsade'ee hadbakiina taagdaranee taageera waligiinee
Mogadishu Axad 1 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

HAMBALYO: KOWDA LUULIYO
Anigoo ah Eng. Maxamed Axmed Rooble waxaan hambalyo u tebinayaa ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto. Walaalayaal waxaan idin milicsiinayaa qiiradii ay ku curatay kowdii luuliyo 1960kii; maalintii koowaad ee aan dib u hanannay madax-bannaanideennii iyo maalintii israaca Soomaalidii ka kala xorowday gumaysigii Ingiriiska iyo Talyaaniga.
Tani waa maalinkii dhulka la dhigay calankii gumaystaha, lana taagay kii ay astaantiisu ahayd shanta Soomaaliyeed. Waa calankii uu curiyey (AHU) Maxamed Cawaale Liibaan, gugii 1954tii ee laga dhex doortay dhowr astaamood oo maalinkaas la horgeeyay baarlamaankii ku meel gaarka ahaa ee xilligaas. Isla maalintaan bay ahayd kolkii uu (AHU) abwaan Cabdullaahi Suldaan (Timo-cadde) calankaan ugu maansooday.-
“Soomaaloo calan taagta
Saakaa noogu horreysee;
Aan siduu yahay eegnee;
Kanna siib kana saar”.
…
Sidaa oo kale (AHU) Cabdillaahi Qarshe ayaa isna dharaartaas ugu heesay astaantaas qarannimo.-
Qolabaa calankeedu, waa caynoo;
Innagana keenu waa cirkoo kale ee;
Aan caadna lahayn, ee caashaqayee.
...
Walaalayaal, maalintan qiirada badan iyo xornimadii aan helnayba waxay innaga mudan yihiin dhowris iyo inaan wada-jir ugu kacno ka mira-dhalinta wixii ay maalintaas aabbayaasheen higsanayeen. Haddaba, maanta iyo wixii ka dambeeya aan dadaalkeenna ku jahaynno danta guud; aan u dhabar-adaygno oo aan isu xilqaanno inaan dadkeenna iyo dalkeenna ka saarno qaran-jabka.
Dhibka taagan waa kan igu qaaday in aan isu taago doorashada madaxweynaha Soomaaliya si aan u hirgeliyo qorshe ka dhabayn doona haybaddeenna qarannimo, inshaa Allaah.
Waxaan idiin rajaynayaa dabbaal-deg wanaagsan iyo mid aan kiisa kale ku gaarno dowladnima buuxda; Inshaa Allaah.
Eng. Maxamed Axmed Rooble
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|