Somali News
    Hees  

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Hambalyo Udiraya Ku Aadan Sanad Guuradii 52 aad ee Xornimada Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed

Mogadishu Axad 1 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Hambalyo Udiraya Ku Aadan Sanad Guuradii 52 aad ee Xornimada Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed

Waxaan umadda Soomaaliyeed u dirayaa hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha weyn u leh ee 1-da luuliyo.

Waxaa sharaf ii ah inaan qofkasta oo Soomaali ah, meel kasta oo uu ku nool yahay, la qaybsado caawa farxadda munaasabadda 1-da Luuliyo.

1-da luuliyo oo ah maalintii ay gobolada koofureed qaateen xorriyadda, waxay ka mid tahay maalmaha qiimaha weyn ugu fadhiya umadda soomaaliyeed.

Waxaan u rajaynayaa ummadda Soomaaliyeed inay caawa ila qaybsadaan faraxadda maalinta xorriyadda

Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu Soomaaliya ka qaado dhibta haysata

Soomaaliya ha noolaato… Soomaaliya ha israacdo…..Soomaaliya ha midowdo

Ra’sul wasaaraha Soomaaliya

Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mogadishu, Somalia

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)