|
Damaashaadka 1-da Luulyo oo xalay si weyn loogu dabaaldegay Magaalada Muqdisho "Daawo Sawirada"
Mogadishu Axad 1 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Damaashaadka 1-da Luulyo oo xalay si weyn loogu dabaaldegay Magaalada Muqdisho "Daawo Sawirada"
Waxaa xalay si weyn looga xusay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya sanadguuradii 52-aad ee ka soo wareegtay markii Gobolada Koofureed xornimada ka qaateen Gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii Gobolada Koofur iyo Waqooyi.
Munaasabada oo aheyd mid aad u sareysay isla markaana ay soo qabanqaabisay Dowlada KMG Soomaaliya ayaa xalay waxa ay ka dhacday xarunta madaxtooyada Vella Somalia ee magaalada Muqdisho,iyadoo ay ka soo qeyb galeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo xaasaskiisa, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha ciidamada, AMISOM, Maamulka gobolka Banaadir Fanaaniin iyo shacabi weyne aad u fara badan.
Fanaaniinta Soomaaliyeed ee ka qeybgal munaasabada lagu xusayay xalay 1-da Luulyo ayaa waxaa ay dadka ku madadaalinayeen heeso ka turjumayo maalmaha xuriyada Soomaaliya, iyadoo dadkii ka soo qeyb galay munaasabada ay ka maqsuudeen heesihii xalay loo tumay.
Saacada markey soo gaartay sida caadada aheyd 12- saqdii dhexe ee xalay ayaa calanka Soomaaliyeed ee Quruxda badan laga taagay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, iyadoo kooxda Baambeyda ay u garaaceen Muusikada astaanta u ah calanka Soomaaliyeed.
Calan saarka kadib ayaa waxaa bilawday qudbadaha ay jeedinayeen madaxda dowlada Soomaaliya, waxana ugu horeen hadlay Madaxweynaha Soomaliya Shariif Sheekh Axmed, isagoo ugu hambalyeeyay dhaman shacabka Soomaaliyeed sanadguurada 52-aad ee ka soo wareegatay maalintii madax banaanida gobolada koonfureed ay ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii Gobolada Waqooyi iyo koonfur.
"Salaan kadib waxaa jeclahay inaan shacabka ugu hambaleeyyoi xoriyadii dalka 52- guuradii ka soo wareegatay, is raacii gobolada waqooyi iyo koofur, shacabka meel walba ay joogaan waxaan leeyahay hambalyo, sanadkan kiisa guul barwaaqo iyo nabad iyo dhibaatada laga soo kabsado Alle ha inagu gaarsiiyo"ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo u mahad celiyay Ciidamada qalabka sida iyo Ciidamada AMISOM guulihii ay gaareen.
Madaxweyne Shariif oo soo hadal qaaday dagaalka lagula jiro Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in Al-shabaab laga adkaaday, isla markaana la wiiqay awoodii dhaqalaale iyo tii militari ay lahaayeen.
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsiga C/wahaab Ugaas Khaliif oo ka hadlay munaasabada xalay lagu xusayay 1-da luuyo ayaa ugu horey hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in naf iyo maal loo huray in Xuriyad la helo.
Sidoo kale munaasabada lagu xusayo 1-da luulyo ayaa waxaa ay ka kala dhacayn dalalka Kenya, Sweden, Norway, South Afrika, Sacuudi Arabiya iyo meelo kale.
Munaasabadaha waxa ay sidoo kale ka dhaceen Gobalada Shabeelooyinka, Baay, Bakool, Gedo iyo Gobalka Hiiraan halkaasi oo dhamaan sanadahii lasoo dhaafay aan laga xusi jirin.
Dhinaca kale 1-da Luulyo waa maalin ku weyn maanka shacabka Soomaaliyeed maadaama ay tahay maalintii ay Gobalada koonfurta dalka Soomaaliya ay ka xureebeen gumeystihii Talyaaniga iyo midoowgii gobalada waqooyi iyo koonfur.





































Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|