|
Mahige "Soomaaliya waxaa loo qabanayaa Shirkii ugu danbeeyay oo Caalami ah"
Roma Axad 1 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amp. Augustine Mahige, Ayaa sheegay in Shirkii ugu danbeeyay oo caalami ah loo qabanaayo dalka Soomaaliya ka hor inta aan la gaarin Dowlad dhexe oo ka dhalata dalka Soomaaliya.
Mahiga oo hadalo kooban ka jeedinaayey munaasabad lagu xusaayay 1-da Luulyo oo ka dhacday Safaarada Soomaalida ee ku leedahay Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in Maalinta Isniinta ee Baritto ah dalka Talyaaniga lagu qabanaayo Shirkii Kooxda Xiriirka Caalamiga ee (Contact Group), isla Markaana uu noqonaayo kii ugu danbeeyay ee loo qabto Soomaaliya.
"51 cisho ayaa ka harsan waqtigii loo iclaamiyey in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo, wejiyo cusubna la arko, waxaana rajeynayaa in muddadi waqtigaa ka horreysa ay wax waliba sidii loogu talogalay ku dhamaan doonaan, isla markaana shirkaan uu noqonayo kii ugu danbeeyay" ayuu yiri Mahiga.
Mahiga ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya 51 cisho ka dib loo dareeri doono Doorashooyin isla markaana aan sii jiri doonin Dowlada KMG ee xilligaan shaqeesa.
Amp. Mahige waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabada 1-da Luulyo, Asigoona dalka iyo dadka Soomaaliyeed u rajeeyay in sanadkaan kan xiga ay shacabka Soomaaliyeed dabaal-dagaan xilli ay heystaan Dowlad dhexe.
Kooxda Contact Group ayaa dhowr shir oo kala gedisan u qabtay dalka Soomaaliya, iyadoona aysan jirin wax la taaban karo oo kasoo baxay shirarkaasi, iyadoona shirka barri lagu sheegay in uu yahay kii ugu danbeeyay ee ka hor xilliga dowlad dhexe, walloo aan la ogeyn ka dib ka bixitaanka KMG in Kooxdaan ay shirarkooda sii wadi doonaan iyo in kale.
W/Q C/shakuur & Saalah Dheere
Roma-Italia.
s.dheere@hotmail.com
cabdishakuur48@yahoo.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|