|
Kaniisad ku tala Magaalada Gaarisa ee gobolka W/Bari oo qarax ka dhacay Goor dhow
Mogadishu Axad 1 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kaniisad ku tala Magaalada Gaarisa ee gobolka W/Bari oo qarax ka dhacay Goor dhow
Waxaa lagu soo waramayaa in magaaladda Gaarisa ee gobolka waqooyi bari ee dalka keenya uu goordhow qarax Miino uu ka dhaca iyadoo goobtaasina manta oo axxad ah ay ku sugnaayeen dadweeyne fara badan oo halkaasi iskugu yimid iyadoo la sheegayo in qarax\aasu uu geestay wax yeelo badan.
Wararka laga helaayo degmadda gaarisa ee gobolkaasi waqooyi bari ayaa sheegaya in aanan war loom haynin qasaaraha halkaasi ka dhacay oo uu sababay qaraxo
Hase yeeshee waxaa iska cad inay jirto dhimasho iyo dhaawac balse aanan laheynin wax tiro koob ah inta ay qaraxu wax ka soo gaareen.
waxa lagu soo waramayaa in qaraxa uu ahaa mindka gacanta laga rido oo ay inta badan istimcaalaan kooxaha wax qarbudda kanina waxaa loo maleynkaraan inay ku lugleyihiin maliishiyaad aamisan fikirka qaldhan ee kooxdda al shabaab.
"Qaraxa waxa uu ka dhacay gudaha kaniisadda, maantana Axad ayay ahayd oo dad fara badan ayaa ka buuxay Kaniisadda, waxaana goobta soo gaaray gawaari Ambalasta ah ee wax daabulla oo dadkii ku waxyeeloobay ulala cararay Isbitalka sida uu sheegay ama laga soo xigtay Ahmed Deekh oo ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Gaarisa.ee gobolka waqooyi bari.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo degmadda gaarisa ayaa sheegaaya in ilaa iyo iminka aaney jirin masuuliyiin katirsan dowladda Kenya oo ka hadashay khasaaraha ka dhashay qaraxa, haseyeeshee waxa lagu soo waramayaa in qaraxu sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|