Somali News
    Hees  

Munaasabaddii 1-da Luulyo ee lagau kala qabtay Safarada Iyo Islii magaalada Nairobi iyo R'iisul wasaare Gaas oo ka qeyb galay

Mogadishu Axad 1 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Munaasabaddii 1-da Luulyo ee lagau kala qabtay Safarada Iyo  Islii  magaalada Nairobi iyo R'iisul wasaare Gaas oo ka qeyb galay

Magaaladda Nairobi gaar ahaan Xaafadda islii ayaa xalay waxaa ka dhacay Munaasabad balaaran oo loogu dabaal dagayay xuska sanad guuradii 52-aad ee kasoo wareegatay maalinta xoriyadda Soomaaliya ee 1-da Luulyo.

Munaasabadan ka dhacday Xaafadda Islii ayaa waxaa ka qeyb galay shacabkii ugu badnaa iyadoo dadka goobta gaaray ay ka badnaayeen ilaa 4 kun.

Fanaaniinta Soomaaliyeed gaaar ahaan kuwa Wayaha Cusub iyo Kooxda Qeylo dhaan ayaa kusugnaa Munaasabada iyagoo qaadayay Heeso isugu jira wadani iyo heeso kale.
Waxaa ay ahayd munaasabadii ugu balaarneyd ee ebid ka dhacda xaafada Islii laguna xuso maalinta xoriyadda Soomaaliya ee 1-da Luulyo.

Dhanka kale waxaa aay Xaflad taas la mid ah aay ka dhacday Saraafada Soomaalida dalka kenya, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Ra’isul Wasaaraha dalka Dr C.Wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maaamulka Galmudug Caalin iyo Siyaasiyiin uu kamid ahaa Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cali Maxamed Geedi.

Safiirka dowlada Soomaaliya ujooga Magaaladda Nairobi Cali AMeeriko ayaa masuuliyiinta dowlada iyo siyaasiyiinta kusoo dhaweeyay Munaasabada.

Intaas kadib ayaa Waxaa dadkii Munaasabada kahadlay waxaa kamid ahaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Dr C.Wali Maxamed Cali Gaas oo sheegay in Soomaaliya ay hada ku socoto wadadii looga bixi lahaa amni xumadda.


Sidoo kale Waxaa uu sheegay Dr Gaas in ay ka go’an tahay in Shabaab laga saaro guud ahaan goboladda dalka.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa hadal uu munaasabada ka jeediyay isagana sheegay in maalintan uu aad ugu faraxsan yahay.

Cali Maxamed Geedi oo ah siyaasi Soomaaliyeed ayaa isagana ka hanbalyeeyay Munaasabadda iyadoo uu ugu baaqay shacabka Soomaalida in ay wadaniyadda ilaaliyaan.
Sh Maxamed Xuseen Owliyo oo kamid ah Saraakiisha Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegay in munaasabadan ay udabaal dagayaan xili dalka hada uu ku jiro marxalad cusub sida uu hadalka udhigay.

By  Nuur Ismail  Shekh
E-mail  nuuur.usa@hotmail.com
Nairobi Kenya

Daawo Sawirada













Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)