|
Rag hubeysan ayaa Galinkii dambe ee shalay Muqdisho ku dilay Masuul
ka tirsan Wasaarada Maaliyada ee Somaliya
Mogadishu Jimco 20 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Rag hubeysan ayaa Galinkii dambe ee shalay Muqdisho ku dilay Masuul
ka tirsan Wasaarada Maaliyada ee Somaliya
Dabley ku hubeysan Bastoolado ayaa shalay galabtii ku toogtay Xaafada
Suuqa Xoolaha Agaasime kuxigeenkii guud ee Wasaarada Maaliyada Maxamed
Cali Xuseen, oo horay u soo noqday Qasnajiga Bankiga dhexe.
Alle ha unaxariiste Marxuumkan ayaa la dilay kadib markii uu ka
soo baxay Salaadii casir oo uu ku soo dukaday masaajid u dhow goobta
lagu toogtay, sida ay dad goob joogayaal ay sheegeen.
Ilaa iyo xiligan si rasmi ah looma oga cida dilka geysatay
inkastoo sanadahii ugu kooxda Alshabaab ay ugaarsi ku haysay dadka
indhaha u ah Umada Somaliya.
Ehelada Marxuumka la dilay ayaa goobta ka soo qaaday meydkiisa, iyadoo
caawa meydkiisa la geeyay Guriga xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.
Kooxda Alshabaab oo caadiyan dil iyo dhibaateen ku haysay Umada
Somaliyeed ee kunool Koofurta Dalka ayaa mudooyinkii dambe laga nastay
ka dib markii awoodooda lagu wiiqay dagaalo ay la galeen Ciidamada
Xooga dalka iyo kuwa AMISOM
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|