Somali News
    Hees  

Ra’isul Wasaaraha Britain David Cameron aya muslimiinta calaamka ugu  hambalyeeyey bisha barakeysan ee Ramadaan.

Nairobi Jimco 20 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

British Office for Somalia

20th July 2012

Ra’isul Wasaaraha Britain David Cameron aya muslimiinta calaamka ugu  hambalyeeyey bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ra’iisul Wasaare David Cameron waxaa uu yiri:

"Munaasabadda bisha barakeysan ee Ramadaan ee bilaabaneysa, waxaan anniga oo fursaddan ka faa’iideysanaya hambalyo diirran u dirayaa Muslimiinta Britain iyo guud ahaan dunida.

“Inta lagu jiro waqtigaan muhiimadda aad u weyn leh ee salaadda iyo soonka, waa in aan xusuusannaa muhiimadda sadaqada iyo naxariista. Kuwani waa qiyam iyo caadooyin muhiim u ah Islaamka laakiin ay la wadaagaan dhammaan dadka kale ee diimaha kale haysta ee jooga Britain.

"Iyada oo lagu jiro waqti uu isbeddel weyn iyo hubaal la’aan ay ka jirto guud ahaanba dunida, waxaan ku faraxsanahay kaalinta ay Britain kaga jirto masraxa caalamiga ah ee u gargaaridda kuwa dhibaateysan annaga oo u sii mareyna miisaaniyaddeenna gargaarka iyo la-shaqeynta kuwa aan isbahaysiga la leenahay iyo saaxiibadeenna. Ducadeennu waa in ay ku wajahan tahay kuwa silica ugu weyn uu soo gaarey sanadkii la soo dhaafey – gaar ahaan dadka reer Suuriya.

"Haddaba waxaan qof kasta u rajeynayaa nabad, farxad iyo midnimo inta lagu jiro waqtigaan muhiimka ah waxaana leeyahay Ramadaan Mubarak."

Dhamaad.

Upper Hill Road
PO Box 30465-00100
Communications Section
Telephone:  (254) (0) 20 2844 000

Direct dial:   (254) (0) 20 2844 292

www.ukinsomalia.fco.gov.uk

Abdilatif Maalim| Communications Officer- British Office for Somalia|British High Commission |Upper Hill Road, Nairobi |

Tel: +254 20 2844292  Fax:+254 20 2844088 | Mob: +254 723040125

125 | FTN: + 8300 3292 
Email:Abdilatif.Maalim@fco.gov.uk
www.ukinsomalia.fco.gov.uk

Visit our blogs on: http://blogs.fco.gov.uk

Follow us on Twitter @UKinsomalia

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)