|
Golaha Sare Culumaa'udiinka Ahlusuna oo wax laga xumaado ku tilmaamay ugaarsiga lagu haayo saxafiyiinta
Mogadishu Jimco 20 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Golaha Sare Culumaa'udiinka Ahlusuna oo wax laga xumaado ku tilmaamay ugaarsiga lagu haayo saxafiyiinta.
Bayaan ka soo baxay Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa looga hadlay ugaarsiga iyo tacadiyada lagu haayo saxafiyiinta sida adag uga howl galaya Soomaaliya, iyagoo ku baaqay in laga hortago kooxaha doonaya inay aamusiyaan warbaahinta xorta.
Culumaa'udiinka ayaa sheegay in saxafiga ka mid yahay dadka birimigeydada ee aan hubeysneyn, waxaana ay sheegeen in beegsiga saxafiga lagu haayo qeyb ka yahay dilalka loo geysanayo dadka wax galka u ah bulshada.
Bayaanka Culimada ayaa loogu baaqay Hey'adaha ammaanka inay iska xilsaaraan sidii wariyaha ammaankiisa u sugi lahaayeen, loona soo qaban lahaa kuwii sida xaqdarada u dilay.
Waxaa kaloo ay sheegeen in dilalka lagu haayo saxafiyiinta uu yahay mid lagu ciribtirayo madax banaanida warbaahinta iyo xoriyatul qowlka.
Sanadkan gudhiisa ayaa la dilay ilaa 6-saxafi oo lagu kala dilay gobolada dalka iyo magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay dhaawacyo Muqdisho loogu geystay labo saxafi.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|