Somali News
    Hees  

Waxaan Xalay ka dhacday London xaflad Lagu taageeraayo Musharax nimada Sheikh Shariff Sh Ahmed

London Jimco 20 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Waxaan Xalay ka dhacday London xaflad Lagu taageeraayo Musharax nimada Sheikh Shariff Sh Ahmed.

Xaflad aad weyn oo lagu taageeraayo musharaxnimada Madaweynaha Somalia Sheikh Shariff ayaa ka dhacday magalada London ee cariga Uk. Waxaa ka hadlay dhamaan qeybaha kala duwan bulshada ku nool Boqortoyada Engriska. Waxaa ka jeediyay hadalo aad u qiima badan siyaasiyiin Oday dhaqameedyo iyo fanaaniin Waaweyn sida Fanaanka caan baxay ee Gadaco iyo Fanaada Waxaa Gabay aad u qiima ka aqrisay Mama kutubeey. 

Isku soo duub dhamaan. Dadweynaha Somaliyeed ee UK waxey si farxida ku dheehantahay u soo dhaweeyeen soo noqoshada Sheikh Shariif iyo hurumarka iyo guulaha eey soo hooyeen Ciidamada Xooga dalka Somaliyeed. Dadka ku nool uk waxeey aad ugu amaaneen Madaxweynaha dadaal iyo dulqaad faraha iyo marxalada cakirin ee uu shaqeeynaayo.

waxey ku amaaneen didi u asaasida ciidamada kala duwan ee Somalia sida Ciidamada Xooga,Police iyo Nabad sugida. Waxey aad u taageereen waxqabadka dowlada guud ahaan Jaliayada Ukwaxey tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ahelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum Maxamud Cabdi Barweynee oo isbuucan gaarigiisa loo xiray wax yaabaha qarxa .

allaha u naxisto garweyne wuxuu ahaa muwaadin daacad ah oo si cadaalad ugu shaqeeye umada Somaliyeed. Gebagebada Qurba joogta Uk waxey taagerayaan soo noqosha Mudane Sheikh Shriif si uu u samata bixiyo dalka iyo dadka Somaliyeed. waxaa lagu amaani karaa wada hadalkii ugu horey u bilawday Somaliya iyo Somaliland mudo 20 sano kadib. 












Mohamed shekh Mukhtaar
almukhtaar80@hotmail.com

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)