|
Kenya oo ka digtay weeraro Al shabab bisha Ramadan ay ka geestaan dalkeeda.
Mogadishu Jimco 20 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kenya oo ka digtay weeraro Al shabab bisha Ramadan ay ka geestaan dalkeeda.
Taliyaha ciidamada Booliska Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Anthony Kibuchi ayaa ka digay Weeraro uu sheegay in Al-Shabaab ay ku hanjabeen inay ka geysan doonaan Magaalooyin ka tirsan Wadanka Kenya Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo maantaba Bilow ah.
Anthony Kibuchi ayaa tilmaamay in Xog hoose oo ay heleen ay sheegeyso in Xarakada A-Shabaab ay qorsheyneyso inay weeraro argigixisinimo ah ay ka geysato goobo muhuiim ah oo ku yaala dalka kenya Bisha Ramadaan, sidaasi darteedna Shacabka Kenya u dhashay looga baahan yahay infeejignaan dheeri ah ay muujiyaan.
"Qof kasta ha sameeyo Dadaal dheeraad ah oo ah inaad kordhisaan Wada shaqeynta Ciidanka iyo inaa ku soo war galin toos ah aad la soo sameysaan Booliska ama Hay;adaha Amaanka ee dalka kenya si aysan u dhicin in Shabaab ay ka faaiideystaan Ramadaanka iyagoo iska horkeenaya Muslimiinta iyo Masiixiyiinta" ayuu yiri Taliyaha Boliska Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Anthony Kibuchi.
Inkastoo Bishii Ramadaan ee Sanadkii hore Ciidamada Kenya aysan joogin gudaha Soomaalia ayaa hadana Goodinta Kenya ay ee uga timid dhinaca Al-Shabaab hadiiba ay jirto , waxa ay lamid noqoneysaa Hanjabaadyo ay horay ugu caanbaxeen al shabab inay ku dhawaaqaan iyagoo ku hanjabaya geesashada weeraro culus.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|