Somali News
    Hees  

Himilada Somaliya iyo halganka dimoqradiyada

Mogadishu Jimco 20 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Himilada Somaliya iyo halganka dimoqradiyada

Nolosha cusub ee ka bilaabatay qeybo kamid ah wadanka Somalya
koofurtiisa iyo bartamaha, gaar ahaan caasimada Muqdisho ayaa la
aaminsanyahay in fursadweyn ay siineyso horumarka bulshada iyo in laga gudbo waqtigii cakirnaanta ee bulshada Somaaliyeed ay soomartay.

Mudadii 21 sano ee la soo dhaafay Somaliya waxaa ay cagaha kula jirtay colaado wajiyo kaladuwan leh kuwaasi oo wadanka dhaxalsiiyay raad aan ku faraxgalineyn, wadanka kama jirin dowlad rasmiya oo hanata amanka guud ee dalka.

Marar badan oo la isku dayay in dowlad loo dhiso wadanka waa lagu guuldareystay iyadoo ay awoodi waayeen dhamaan dowladiihii lasoo dhisay burburkii kadib sida xukumadii Cabdi-Khaasim Salaad Xasan, iyo dowladan KMG ah ee iminka uu hogaamiyo madaxweyne Shariif Sheikh Axmed
oo talada qabtay kadib markii madaxweynihii geeriyooday Cabdulahi Yusuf Axmed uu xilka iska dhigay caqabado farabadan oo soo wajahay darted.

Bishii August ee sanadkii hore ayey ahayd markii si lama filaan ah ay dhufeysyada uga bexeen xarakada Alshabab intii badneyd ee magaalada Muqdisho, lixidii bilood ee xigtayna dhamaan magaalada oo idil waxaa gacanta ay u gashay dowlada federalka Kumeelgaarka ee Somaaliya.

Dib u dhiska ka bilowday magalada caasimada oo ahayd sanadihii ka horeeyay sandkan 2012 goob ka caagan dalxiiska oo caalamka intiisa kale looga yeeri jiray (No go zone) ayaa soo jiidanayay dareenka indha caalamka, qurba j oogta Somaliyda.

Dalalka Daneeya arimaha Somaliya, taasi waxaa barbarsocday olole balaaran oo ay wadeen qeybo ka mid ah muwaadiniinta Somaliyeed eek u kala nool dalka iyo dibadiisaba, mudooyinkii ugu dambeeyay Somalida ayaa u muuqda in ay fahmayaan
siyaasada furfuran ee xisbiyada, dhinaca siyaasada ah, iyo kuwa aan siyaasada ku lug lahayn ee ka shaqeeya horumarinta bulshada dhinacyadeeda kala duwan.

Gudoomiyaha xisbiga dimoqraadiga iyo xallka Somaliyeed (XDXS) Ismaaciil Cilmi Xareed, ayaa sheegay in xisbigoodu door weyn uu ku leeyahay xasilinta wadanka Somaliya, iyo horumarinta domoqraadiyada dalka.

“Ilaamaa intii uu dhisnaa xisbigayagu, waxaan qabanay howlo farabadan oo la xariira horumarinta dimoqraadiyada wadanka, taasoo dhabtii dadku ay ku faaiidayaan marwaliba, waayo inta badan mabaadiida,dimoqraadiga waa mid nabadeed, marka anagu waxaan u baahanahay in nabada la dhiiragaliyo,lagu bixiyo waxwaliba oo karaankayaga ah, naftayada xitaa waan u hureynaa in nabada lasoo celiyo, cadaalad laga dhaliyo Somaliya, lagana saaro bulshada jahliga iyo qololeynta”

Gudoomiyaha ayaa intaasi raaciyay in dhowaan magaalada Muqdisho ay ka hirgaliyeen xafiis cusub oo fulindoona intabadan howlaha xisbigani uu hayo shacabka uu matalo, waxaana gudoomiyhu sharaxay in fadhigoodu hore u ahaan jiray dalka dibadiisa haseyeeshee ay iminka lagama maarmaan u arkeen in ay u soo guuraan wadanka gudihiisa maadaama magalada caasimada ee Muqdisho iyo meelo kale oo koofurta Somaliya ka mid ah ay xasilooni ka hanaqaadeyso tan iyo bartamihii sanadkii hore ee 2011.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)