Somali News
    Hees  

Fanaanada Caanka ah ee Saado Cali Warsame oo Galabta ku dhaawacantay Shil gaari

Mogadishu Jimco 20 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garowe ayaa sheegaya in duleedka Garowe ay galabta ku dhaawacantay Fanaanada Caanka ah ee Somaliyeed Saado Cali Warsme gaarigii ay la socotay Fanaanada ayaa ku dhacay Gaari Nooca Xamuulka qaada Deegaan lagu magacaabo Birta Dheer

Wasiirada Haweynka iyo Qoyska ee Maamulka Puntland Caasho Gelle ayaa warbaahinta Maxaliga u xaqiijisay in Fanaanada ay Nooshay sida lagu qoray qaar ka tirsan baraha Internetka oo lagu sheegay in ay fanaanada Geeriyootay balse ay dhaawactahay dhaawaceeduna uu Surka wax ka gaareen balse waxaa shilkaasi ku dhintay wariye la socday

Wararka Imika laga helayo Duleedka Magaalada Garoowe Deegaanka lagu magacaabo Birta Dheer ayaa xaqiijinaya in ay Shil galeen Kolanyo gaadiid ah oo galbinayey Fanaanada qaranka soomaliyeed Saado Cali Warsame kuwaasoo sida la sheegey qaarkood ay wada ka bexeen.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)