|
Boosaaso sidee looga soo dhoweeyey bisha barakaysan ee ramadaan
Mogadishu Jimco 20 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Boosaaso sidee looga soo dhoweeyey bisha barakaysan ee ramadaan
Magaalada Bossaso waa magalo kamid ah magalooyinka ugu waa wayn dalka kana mid ah magalooyinka yaala xeebta taasoo ah xarunta ganacsiga G/ BARI .
Hadaba waxaa siweyn looga dareemaya diyaar garawga bisha barakaysan ee Ramadaan iyadoo ay magaaladu ku jirto sicir barar maalmihii udameeyeyna ay socdeen mudaharaadyo looga soo horjeedo hoos udhaca sicirka Dollarka maraykanka lana xiray xarumaha ganacsi oo ugu waweyn magalada Bossaso.
Bisha barakaysan ee ramadaan ayaa ah bil aad ugu weyn umada islaamka ah meel kastoo ay dunida kaga nool yihiin waxaad hadaba arkaysaa magaalada iyadoo si aad ah looga dukaamaysanayo meelaha lagu gado maciishada daruuriga ah isla markaana laysu diyaarinayo bisha barakaysan ee ramadaan.
Hadaba mar aan dhexmaray suqa wayn ee magaalada ayaa waxaan lakulmay dad ka adeeganaya suuqa (waxaan aad ugu faraxsanahay bisha barakaysan oo lafilayo inay beri dhalato waxaana ilaah karajaynaynaa in uu naga dhigo kuwo uu ugu danbi dhaafo bishaa barakaysan ee laxiray albaabada naarta lana furayo albaadada janada ) sidaas waxaa yiri mid kamid dadka ku hawlanaa inay isu diyaariyaan bisha barakaysan ee ramadaan.
Midkamid ah ganacsatada suuqa weyn ee Bossaso oo an kula kulmay xaruntiis shaqo ayaa ii sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay bisha barakaysan ee Ramadan.
Isla markaana iiga waramay maciishada daruuriga ah (waxaa ugu qaalisan waxyaalaha daruuriga u ah bisha ramadaan waa timirta iyo sonkorta ) ayuu uyiri mamaulaha xarun ganacsi oo ku taal suuqa magaalaga Bossaso.
Hhadaba mar aan wax kawaydiiyey qayb intee leeg ayuu ka qaadan karaa sicirka dollarka oo hoos udhacsan bisha barakaysan ayaa iisheegay in uu qayb weyn ka qaadan karo sheegayna inaan dadku isku heer ahayn isla markaana sheegay inuu naf ahaantiisu ka cabasanayo inuu istaago isu gudubka ganacsi ee ka socda Bossaso.
Mar aan wax kawaydiiyey mudaharaadka looga soo horjeedo sicir dollarka oo hoos udhacsan lsns xiray maalmihii udameeyey xarumaha ganacsi ee ugu wa weyn magalada Bossaso ayuu iisheegay in uu ku raacsanyahay dadka mudaharaadaya
Timirta aya ah tan loogu iibsasho badanyahay suuqa magaalada bossaso waxayna kamaraysaa 18$ dollarka maraykan ka ah
Sicir bararka kajira Bossaso ayaa ah mid dhinac walba saameeyey sida maciishadaha kala duwan ee daruuruga u ah dadka ku nool magaalda.
Dhinaca kale wadadad a magaalada ayaan ka marnayn inay dadka ku baraarujiyaan qiimaha ay leedahay bishaan barakaysan ee Ramadan



Qore mubaarak salad cali (Bossaso)
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|