Somali News
    Hees  

Wasiirka Dastuurka oo sheegay in Odayaasha dhaqanka ku howlan yihiin soo xulista Ergooyinkii ansixin lahaa Destuurka

Mogadishu Jimco 20 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Wasiirka Dastuurka oo sheegay in Odayaasha dhaqanka ku howlan yihiin soo xulista Ergooyinkii ansixin lahaa Destuurka

Wasaaradda dastuurka iyo arimaha Federaalka Xukumada KMG ah ayaa mar kale sheegtay in meel wanaagsan ay marayaan howlaha dastuurka ayna filayaan in saacadaha soo aadan la soo dhameystiri doono ergada ansaxineysa Dastuurka cusub.

Wasiirka Dastuurka iyo dibuheshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee shirka uga socdo Muqdisho ay ku howlanyihiin soo xulista eraga ansaxineysa dastuurka cusub.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay wasiirku in lagu jiro diyaar garowgii ugu danbeeyey oo lagu furi lahaa shir weynihii ansixinta Dastuurka.

Waxaa uu sheegay wasiirka in laga soo gudbay caqabadihii badnaa ee hor yaalay dastuurka, bacdamaa buu yiri la xaliyay qodobadii muranka uu ka taagnaa, isagoo tilmaamay in diyaar ay yihiin inta badan ergadi ansaxin laheyd dastuurka.

Hadalkaan ayuu shalay ka jeediyay wasiirka xarunta ay ku shirsanyihiin odayaasha kadib mrkii booqasho ay ku tageen, waxaana sidoo kale goobtaasi ka hadlay R/wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli kaasoo Odayaasha ka codsaday iney Gudiga Khilaafaadka la shaqeeyaan si howsha ansixinta Dastuurka iyo soo xulida xildhibaanadu u fududaato.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)