|
Maamulka degmada Wadajir oo Martiqaad u sameeyay Madaxda Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaasha 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir.
Mogadishu Jimco 20 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maamulka degmada Wadajir oo Martiqaad u sameeyay Madaxda Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaasha 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir.
Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) Gudoomiyaha maamulka degmada Wadajir ayaa shalay oo khamiis hayed casuumaad qada sharaf ah ugu sameeyay Xeebta Jaziira Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyeyaasha 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir.
Munaasabadaasi qada sharadtan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud, Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish), Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Gudoomiye ku xigeenada Gobolka Banaadir iyo Mas'uuliyiinta degmooyinka.
Waxaa ugu horeyn Munaasabadaasi hadal ka jeediyay Gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Daaci oo uga mahadceliyay Mas'uuliyiinta sida ay u aqbaleen martiqaadka uu u fidiyay, isagoo ammaan u jeediyay ciidamada ammaanka iyo dadka deegaanka oo iska kaashaday ammaanka degmada Wadajir.
Gudoomiyaha Wadajir ayaa sheegay in Soomaalida ku dhaqan qurbaha looga baahan yahay inay dalkooda dib ugu soo laabtaan, ayna maal gashtaan, bedelkii ay dal kale guryo uga iibsan lahaayeen ama ay maal gashan lahaayeen, isagoo tilmaamay in qurba joogta dalka ku soo laabaneysa inay noqdaan kuwo dalka wax tareysa.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo dhoweeyay in qurba joogta ay dalka ka abuuraan fursado shaqo iyo inay maal gelin ku sameeyeen, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Axmed Village oo ka hirgeliyay Xeebta Jaziira Hotel iyo maqaaxi laga cunteeyo.
Waxaa uu sheegay in dhulka xeebaha ay tahay kuwo ugu qiimaha badan ee maal gashi lagu sameyn karo, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay qurba joogta inay u soo dalxiis tagaan Soomaaliya, halkii ay Dubai iyo dalal kale u dalxiis tagi lahaayeen.
"Halkan waa xeeb aad u qurux badan, meelaha Dubai iyo dalal kale aad ka dalxiis tageysaan dalkiina imaada, qabow iyo kulayl midna ma lahan, hawadiisa waa macaan tahay"ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud oo isna munaasabada qada sharafta ka hadlay ayaa sheegay in muhiim tahay in dadka ay nabada ka shaqeeyaan, isagoo ammaan u jeediyay maamulka degmada Wada jir.
Mr C/samad ayaa tibaaxay in degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir laga sameeyo meelaha dadka u soo dalxiis tagaan, isla markaana shacabka iyo ciidamada ammaanka iskala shaqeeyaan nabadgelyada, isla markaana dareemaan neecaawda ammaanka.
Dhinaca kale qada sharaftan uu sameeyay Gudoomiyaha Maamulka degmada Wadajir ayaa waxaa ka soo qeyb galay ku dhowaad labo boqol ruux oo isugu jiray, mas'uuliyiinta degmooyinka, marti sharaf iyo qurba-joog, waana qada sharaftii u horeysay nooceeda oo uu Gudoomiye ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir u sameeyo gudoomiyeyaasha kale ee 16-ka Degmo.






Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|