Somali News
    Hees  

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay askar ka tirsan ciidamada dowlada KMG ah

Mogadishu Jimco 20 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay askar ka tirsan ciidamada dowlada KMG ah.

Afar askari oo ka tirsan ciidamada Dowlada KMG ah oo horay maxkamada Ciiidamada qalabka sida ay ugu xukuntay dil ayaa shalay lagu toogtay Iskuul Buluziyo ee magaalada Muqdisho.

Askarta la toogtay ayaa la sheegay inay horay dilal ugu geysteen askar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Dowlada iyo waliba dad shacab ah, waxaana goobta lagu tooganayay ku sugnaa Taliyaal sarsare oo ka tirsan ciidamada dowlada iyo gudoomiyaha maxkamada Ciidamada qalabka sida.

Gudoomiyaha maxkamada ciidamada Qalabka sida ee dowlada KMG ah Xasan Maxamed Xuseen " Muungaab" oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xukunka lagu fuliyay afarta Askari loo cuksaday sahreecaada Islaamka.

Gen Muungaab ayaa sheegay raga la toogtay inay dileen dad uu ka mid ahaa Taliye kuxigeenkii Booliska degmada Hodon, waxaana uu ku hanjabay in askarta caadeysatay dilka shacabka iyo ciidamada in sidaan oo kale loo toogandoono.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Shariif Shiiqunaa Maye oo isna goobta askarta lagu tooganayay ka hadlay ayaa waxaa uu tilmaamay in xukunka lagu fuliyay afarta Askari uu u dhacay is caddaalad ah, waxaana uu intaasi ku daray in arrintaan ay qayb ka tahay soo celinta awoodda sharciga.

Waa xukunkii ugu danbeeyay ay u fuliso maxkamada ciidamada qalabka sida,iyadoo arintaani ay si weyn u soo dhaweeyeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)