|
Ururka Dhallinyarada KANAVA oo Tartan Isboorti oo lagu maamuusayo bisha Ramadaan Muqdisho ka furay (Daawo Sawirada)
Mogadishu Jimco 20 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ururka Dhallinyarada KANAVA oo Tartan Isboorti oo lagu maamuusayo bisha Ramadaan Muqdisho ka furay (Daawo Sawirada).
Garoonka K/Cagta Jaamacadaha ee magaalada Muqdisho waxaa shalay galab laga
furay tartan Isboorti oo lagu maamuusayo bisha barakeysan ee Ramadaan,
waxaana tartankaasi oo uu soo qabanqaabiyay ururka Dhallinyarada
KANAVA furitaankiisa ka soo qeyb galay madax ka tirsan ururkaasi.
Sidoo kale waxaa furitaanka tartanka ka soo qeyb galay mas'uuliyiin ka
kala socday qeybaha Isboortiga Soomaaliyeed iyo in ka badan 500-qof oo
soo daawasho tegay.
C/qaadir Abuukar (Weha) oo ka mid ah madaxda Isboortiga ayaa khudbad
uu ka jeediyay furitaanka waxa uu kula dardaarmay kooxaha ka qeyb
qaadanaya tartanka lagu maamuusayo bisha Ramadaan waxa uu ku booriyay
inay muujiyaan ciyaar wanaag, isagoona sheegay in kooxaha ay abaal
marino ku helayaan asluub wanaaga, ciyaar wanaagga iyo dhowrida
sharciga Isboortiga.
Sidoo kale Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Kanava ee Soomaaliya
Salaad Xasan Cali ayaa sheegay in ururkiisu uu soo qabanqaabiyay
tartanka Isboorti ee lagu maamusayo bisha Ramadaan, wuxuuna
ciyaartoyda u ballanqaaday inay guddoonsiinayaan abaal marino kala
duwan.
Waxa uu sheegay Md. Salaad Xasan Cali in ciyaartoyda kooxaha tartanka
ka qeyb gelaya ay guddoonsiinayaan kooxdii tartanka ku guuleysata,
isagoona tilmaamay inay jiraan abaal marino kale oo la siinayo kooxaha
kale heerarkooda kala duwan.
Dhinaca kale garoonka K/Cagta Jaamacadaha ee magaalada Muqdisho oo
galabta laga furay tartan lagu maamuusayo bisha barakeysan ee Ramadaan
ayaa waxaa isaga hor yimid laba kooxood oo kala ah: Kulmiye VS Safari
Hotel, waxayna ciyaarta ku dhammaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday
kooxda Kulmiye.






Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|