Somali News
    Hees  

Madaxweyne Barack obama oo ku hanjabay cunuqabateyn ka dhan ah Al-Shabaab iyo qaswadayaasha Somalia

Mogadishu Sabti 21 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 



Madaxweyne Barack obama oo ku hanjabay cunuqabateyn ka dhan ah Al-Shabaab iyo qaswadayaasha Somalia

War saxaafadeed ka soo baxay aqalka cad ee looga taliyo dalka Mareykanka islamarkaana uu soo saaray madexweynaha dalka Mareykanka Barack obama ayaa waxaa loogu hanjabay shaqsiyaadka diidan in Somalia ay ka baxdo xilliga KMG ah kana soo horjeeda qorshaha tubta nabadda ee Roadmapka.

Barack obama ayaa warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in dowladda Mareykanku ay sidoo kale amar ku bixinayso in la joojiyo dhoofinta la dhoofinayo dhuxusha Somalia oo si gaar ah madaxweyne obama uu u sheegay in dhaqaalo badan al shababku ay ka helaan sidaa darteedna la cunaqabateenayo.

"Mareykanka waxa uu go’aansaday in talaabo uu ka qaado qaswadayaasha Somalia ee uu ku soo rogayo xayiraad dhinaca maalyadda , waxa uu sidoo kale uu go’aansaday in la joojiyo dhoofinta dhuxusha Somalia ee laga dhoofiyo goobaha ay ka taliyaan xarakada Al-shabaab sida Kismaayo iyo Marka"ayuu Obama ku yiri warsaxaafadeedkiisa.

Obama ayaa sheegay in hadii aan loo joojin dhoofinta dhuxusha Somalia, waxa ay fursad dhinaca dhaqaalaha ay siineysaa Al shabab oo sii awoodi kara inay sii wadaan dagaalada waa sida yiri.

"Somalia xilliga waxa ay heysataa fursad ay kaga gudbi karto dhibaatadii 20 ka sano kabadan ay soo martay , mareykankuna uma dulqaadan doono in somalia hooy ay u noqoto waxa uu ugu yeeray argigixisada iyo cid waliba oo ka soo horjeesata qorshaha tubta nabadda somalia"ayuu madaxweynaha dalka Mareykanka Barak obama ku yiri warsaxaafadeedkiisa.

Dowladda mareykanka ayaa horay honjabaadan oo kale ugu jeedisay xarakada Al shabab iyo shaqsiyaad ay ku sifeesay inay yihiin qaswadayaasha Somalia.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)