|
Boliiska Kenya oo sheegay inay heegaan ugu jiraan qaraxyo Bisha Ramadan kaga imaan kara dhanka Al-Shabaab
Mogadishu Sabti 21 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Boliiska Kenya oo sheegay inay heegaan ugu jiraan qaraxyo Bisha Ramadan kaga imaan kara dhanka Al-Shabaab.
Wararka ka soo baxaya Dowlada Kenya ayaa lagu sheegay in Dowladu mar kale xaqiijisay in ciidamada amaanka dalkaasi ay heegan sare ku jiraan si ay uga hortagaan weeraro dhanka alshabaab ka imaan kaara bisha ramadaan.
Madaxwayna ku xigeenka dalka Kalonzo Musyoka ayaa waxa uu balan ku qaaday in dowlada kenya aysan isu dhiibi doonin wax uu ku sheegay argagixisada ayna la dagaalami doonaan.
Mas’uulkaani waxaa uu ugu baaqay shacabka Kenaaynka ah in ay gacan siiyaan laamaha amaanka ayna wixii macluumaad ah u soo gudbiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Heegan gelinta ciidamada iyo hadalka madaxwayna ku xigeenka dalka ayaa ku soo beegmaya xili ay soo baxday digniin cusub oo ku saabsan weeraro dhanka Xarakada Alshabaab ka imaan kara kaasoo ku soo aadinayaan bisha Ramadaan.
Taliska Booliiska kenya gaar ahaan Taliyaha Nayroobi Anthony Kibuchi ayaa shalay sheegay in ay heleen warar sirdoon in xoogaga islaamiyiinta y qorshaynayaan weeraro argagixiso oo ay dalka ka fuliyaan gaar ahaan xiliga lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|