Somali News
    Hees  

Shirkii ansixinta Dastuurka oo Markii labaad oo uu dib u dhacay ku yimid

Mogadishu Sabti 21 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Shirkii ansixinta Dastuurka oo Markii labaad oo uu dib u dhacay ku yimid

Waxaa mar kale fashil uu ku yimiday shirkii lagu ansaxin lahaa dastuurka cusub ee qabyo qoraalka oo lagu waday maanta oo sabti ah inuu ka furmo magaalada Muqdisho.

Qorshaha shirka ayaa ahaa in maanta uu sabti ah uu furmo, hase yeeshee waxaa la sheegay in mudo laba maalmood ah uu dibu dhacay kadib markii lagu guuldareystay in la xaliyo khilaafka ka dhaxtaagan soo xulista ergada ansaxineysa dastuurka cusub ee qabyada ah.

Wasiirka Dastuurka Xukumada Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay ku howlanyihiin soo xulista ergada ansaxineysa dastuurka, waxaana uu tilmamay in ka hor 20-ka Agost la ansaxin doono dastuurka lana soo xuli doono xubnihii ka mid noqon lahaa Baarlamanaka Soomaaliya.

Dowlada KMG ah ayaa horay u sheegtay in 12-ka bishan uu furmi doono shirka lagu ansaxinayo dastuurka kaasoo dibu dhac ku yimid markale ayay sheegtay dowlada in maanta oo sabti ah uu furmayo shirka lagu ansaxinayo dastuurka, hadana uu dibudhac ku yimid.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)