Somali News
    Hees  

Xaaladda Fannaanada Saado Cali Warsame Oo Soo Hagaageysa

Mogadishu Sabti 21 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta booqday Fanaanada qaranka Soomaliyeed Saado Cali Warsame oo shalay shil gaari ku gashay inta u dhaxeysa Kalabeyr iyo Garoowe uuna kasoo gaarey dhaawac fudud.

Wasiiro ay ka midyihiin arrimaha gudaha Gen.Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilkajir
maaliyada Faarax Cali Shire
haweenka iyo arrimaha qoyska Marwo Caasho Geele Diiriye
xildhibaan Prof.Cabirisaaq Xasan Cismaan Juurile
iyo saraakiil kale ayaa la socotey Madaxweynaha marka uu boqanaayey Saado Cali Warsame.

Fanaanada ayaa waxa laga kabay gacanta bidix oo ay ka jabtey, waxaana aad u wanaagsan xaaladeeda caafimaad, iyadoona dhakhaatiirtu ay sheegeen in dhowaan Saado loo ogolaan doono inay guda gasho hawlihii ay dalka u timid.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)