Somali News
    Hees  

Gaashaanbuurta NATO oo Beesha Caalamka ka codsatay in ay kala qayb qaataan sidii loo tirtiri lahaa Burcadbadeedda Soomaaliya

Mogadishu Sabti 21 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Gaashaanbuurta NATO oo Beesha Caalamka ka codsatay in ay kala qayb qaataan sidii loo tirtiri lahaa Burcadbadeedda Soomaaliya

Isbahaysiga Gaashaanbuurta NATO ayaa beesha caalamka weydiistay inay qayb ka qaataan sidii loo ciribtiri lahaa burcadbadeedda Soomaaliya, iyagoo sheegay inay aad hoos ugu dhiceen weerarradii burcad-bdeedda ay ka fulin jireen biyaha Soomaaliya iyo meelaha ka fog intaba.

NATO oo ay ku mideysan yihiin dalalka reer galbeedka ayaa waxaa kaga sugan xeebaha Soomaaliya maraakiib dagaal oo logu talagalay in ay la dagaamamaan burcadbadeedda si ay u baajiyaan afduubyada ay ka geysanayaan marinnada biyaha sida Gacanka Cadan oo ay maraan kumannaan maraakiib ah sannad walba.

"Guulo la taaban karo ayaan ka gaarnay sidii laciifin weerarradii ay geysan jireen burcad-badeedda Soomaaliya, laakiin beesha calaamka waa inay joogteeyaan fikir is-dhaafsiga iyo dadaallada si loo ciribtiro dhibaatada," ayuu yiri Ben Kekkering oo ah taliyaha ciidamada la dagaalanka burcaadbadeedda ee NATO.

Hay'adda badaha caalmaka ee IMB ayaa sheegtay in tan iyo markii uu sannadkan biloowday ay ka dhaceen xeebaha Soomaaliya ka dhaceen 69 weerar, kuwaasoo ka yar 32% weerarradii dhacay sannadkii hore.

Burcadbadeedda Soomaalida ayaa la sheegay in dhibaatooyin ku hayaan ganacsiga dunida, sidoo kalena ay afduubyada maraakiibta iyo doomaha ganacsi ka helaan malaayiin doollar.

Isbaheysiga NATO ayaa isku raacay horraantii sannadkan in barriga lagula dagaalamo kooxaha burcadbadeedda ah, taasoo ay sheegeen inay qayb ka qaadan karto sidii lagu cirib-tiri lahaa.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)