|
Masuuliyiinta Gobolka Bay oo xabsiga u taxaabay howlwadeeno ka tirsanaa Hay'ada Islamic Relief
Mogadishu Sabti 21 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Masuuliyiinta Gobolka Bay oo xabsiga u taxaabay howlwadeeno ka tirsanaa Hay'ada Islamic Relief
Masuuliyiinta gobolka Bay ee Maamulka dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta xabsiga u taxaabay hawl-wadeenno u shaqeynayay hay’adda samafalka ee Islamic Relief iyo nin kale oo sida la sheegay ganacsade ahaa.
Dadkan Howlwadeennada ah ee la xiray ayaa waxaa lagu kala magacaabaa: Nuuradiin Maxamed Cabdow iyo Cabdulqaadir Maxamed Cali waxay ka howlgalayeen xafiiska ay hay'addu ku leedahay degmada Baydhabo, waxaana sidoo kale lala xiray ganacsade magaciisa lagu soo koobay Sheegow; iyadoo aysan jirin war kasoo baxay dhinaca maamulka oo ku saabsan sababta loo xiray Ragaasi.
Ragan la xiray ayaa hay'adda u qaablisanaa dhinaca horumarinta, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo sarkaal ka tirsan hay'adaha samofalka ay xabsiga dhigaan mas'uuliyiinta maamulka gobolka Bay.
Hay'adda Islamic Relief ayaa waxay ka mid tahay hay'adaha ka howlgala gobollada ku yaalla Koonfurta Soomaaliya oo ay weli intooda badan ka ay gacanta ku hayaan Malayshaadka Alqaacida Somaliya ee Al-shabaab, iyadoo sidoo kale aysan hay'addu ka hadlin xariga xubnahan ka midka ah.
Magaalada Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay Magaaloyinka ku jira Gacanta ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ethoipia oo kadib markii laga xureeyay Kooxada Alshabaab oo ka talinayay muddo saddex sano ah.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|