Somali News
    Hees  

Dowladda Mareykanka oo diyaarado dagaal siinaysa AMISOM

Mogadishu Sabti 21 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Dowladda Mareykanka oo diyaarado dagaal siinaysa AMISOM.

Kadib Kulan ay yeelatay Waaxda Pentagonka Mareykanka ayaa waxa ay go’aan ku gaareen in 8 kamid ah Diyaaradaha yar yar ee aan Duuliuya laheyn lagu wareejiyo Ciidamada AMISOM gaar ahaanna Askarta Kenya ee ku sugan gudaha Soomaalia si ay u sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan
Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale Pentagonka ayaa tilmaamay in Lacag gaareeysa $41.4 Million ay Dowladda Mareykanka siineyso Kenya si loogu qalabeeyo Ciidamada Dowladda Kenya oo qeyb ka ah Howlgalka Amisom iyadoona Xukuumada Washiton ay rajo wanaagsan ka muujisay in Caawimaadaan ay fududeyn
doonto in la beegsado Saldhigyada iyo Madaxda Al-Shabaab.

Waaxda Pentagonka ayaa sheegtay in Waqti dhow Qalab Milatari oo farabadan iyo Diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn ay siin doonaan Ciidamada kasocda Wadamada Uganda ,Burundi iyo Jabuuti oo iyagoo qeyb ka ah Holgalka Amisom jooga dalka Soomaalia.

Dowladda Kenya oo Ciidamadeeda Milatariga oo adeegsanaya Diyaaradaha dagaalka ay u taag waayeen dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab ayaan la ogeyn waxa iskabadali kara Gulufkii dagaal ee ay wadeen hadii lasiiyo Diyaaradahaasi aan Duuliyaha laheyn si ay ugu Duqeeyaan Saldhigyada Al-Shabaab ee Gobolada ay gacanta ku hayaan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)