|
Xuseen Xaaji Axmed : "Dowladda Yemen iyo Dowladda Soomaaliya ayaa isku afgartay in dib loo dhigo xaraashka.."
Mogadishu Sabti 21 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xuseen Xaaji Axmed : "Dowladda Yemen iyo Dowladda Soomaaliya ayaa isku afgartay in dib loo dhigo xaraashka.."
Yemen ayaa waxa ay dib u dhigtay go'aan ay dooneesay inay ku xaraashtomaraakiib ay soomaaliya leedahay taasi oo ay ku eedeeysay in loo heysto maraakiibta deymo ay galeen.
Dowlada Yemen ayaa waxa ay dib u dhigtay go.aan ay dooneesay inay ku xaraashtomaraakiib ay Soomaaliya leedahay taasi oo ay ku eedeeysay in loo heysto maraakiibta deymo ay galeen.
Wasiirka kaluumeysiga iyo qeyraadka badan ee xukuumada Soomaaliya ayaa safar uu ku tagay Cadan waxa uu kulamo la qaatay madaxda dowlada Yemen taasi oo sababtay in dib loo dhigo xaraashkii lagu sameyn lahaa Maraakiibta Soomaaliya ee hada yaala wadanka Yemen.
Qusul ku Xigeenka Safaarada Soomaaliya ee Yemen Xuseen Xaaji Axmed oo wareysi siiyay laanta afka soomaaliga ee VOA ayaa waxaa uu tilmaamay in ay wada hadalo dhexmareen madaxda dowlada Yemen iyo wasiirka kaluumeysiga iyo qeyraadka badada Soomaaliya ay keentay inay isku afgarteen in dib loo dhigo xaraashka Maraakiibta Sooaamliya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|