Somali News
    Hees  

Afhayeenka Gudiga Farsamada Saxiixeyaasha Roadmapka Dr. Cabdilweli Garbacune ayaa ka warbixiyay halka ay marayso howshii

Mogadishu Sabti 21 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Afhayeenka Gudiga Farsamada Saxiixeyaasha Roadmapka Dr. Cabdilweli Garbacune ayaa ka warbixiyay halka ay marayso howshii gudigaasi lo egmaday.

Dr. Garbacune ayaa waxaa uu shegay in howshi lo xilsaray Gudiga Farsamada ay meel ficaan u marayso waxaa uu shegay in ergadi ansixinta dastuurka la soo gudbiyay 100%90 hadana ay ku howlan yihiin sida ay ergadaasi ugu sameyn lahayeen bashash ki ay shirka uga qayb galilahaayeen.

Afhayeenka ayaa waxaa uu shegay in ay jirto qalab yaraan haysa shirkada samaysa kararka ama bashashka lagu galaayo shirweynaha ansiixinta Dastuurka Somalia waxana uu na intaasi raciyay in shirkadaasi ay awood u ledahay in malinti ay soo saarto (300) oo bash taas oo ka dhigaysa in mudo 3 bari ah lo xayirnado sameynta 825 bashashka ama kaararka.

Dr. Garbacune ayaa waxaa uu shegay in gudiga Farsamada ay ka kooban yihiin aqoonyahano qibradooda aad u sarayso oo ka kala yimid dal iyo dibad kuwaas oo ay ka go,antahay wax ka qabashada xaalada murugsan ee Somalia.

“‘inta anu nimid waxaa na soo wajahay caqabad inoga timid dhanka Odayaasha dhaqanka ayadana wa la xaliyay kadib waxaanu qabanay shaqo la taban karo sido kale shaqada aan u hayno ummada Somaliyeed waxaay ku socon doonta si xowli ah ila la soo dorto Madaxweynaha Cusub ee Wadanka 20 Agousto” ayu yiri Dr.Garbacune.

Wareysiga Afhayeenka Gudiga Farsamada oo dheer dhinacyo badana tabanaya waxaad ka dhagaysan kartaan qaybta hoose.

Afhayeenka Gudiga Farsamada Dr. Cabdiweli Garbacune

--------------------------------------------------------
Axmednuur Maxamed
Muqdisho-Somalia

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)