Somali News
    Hees  

Ben Bekkering “Guul ayaan ka gaarnay la dagaalanka burcad badeedda”

Mogadishu Axad 22 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 



Ben Bekkering “Guul ayaan ka gaarnay la dagaalanka burcad badeedda”

Taliyaha Ciidamada Isbeheysiga NATO ee la dagaalanka Burcad Badeeeda Ben Bekkering ayaa waxa uu sheegay inay ku guuleysteen yareynta Weerarada Kooxaha Burcad Badeeda ay ku qafaashaan Maraakiibta iyo Doonyaha mara Biyaha Soomaalia ama goobaha kabacsan.

Taliyaha ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay sii laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah Burcad Badeeda islamarkaana waxa uu Sabab uga dhigay hoos u dhaca Afduubyadii Burcad Badeeda kadib markii ay joogteeyeen Roondada ay ka sameeynayaan Badweynta india, Gacanka Cadmeed ,iyo Biyaha Soomaalia.

Taliyaha Ciidamada Isbeheysiga Nato ee la dagaalanka Burcad Badeeda Ben Bekkering ayaa soo dhaweeyay Warkii dhawaan kasoo baxay Hay;ada Bad mareenada Aduunka ee IMB taasi oo aheyd in 54% ay yaraadeen Weeraradii Burcad Badeeda ay qaadi jireen ilaa iyo bilowgii Sanadkan.

Xeebaha Wadankeena Soomaalia ayaa waxaa ku sugan Maraakiib dagaal oo ay qeyb ka yihiin kuwa Isbeheysiga Nato iyaga oo sheega inay la dagaalamayaan Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalia inkastoo Howlgalada Maraakiibtaasi aysan wax muuqda ka badalin Afduubka Kooxaha Burcad Badeeda.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)