Somali News
    Hees  

Matt Bryden oo qaba naag Somaliland ka soo jeeda oo lagu eedeeyay kala qeybinta Somaliya

Axad 22 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Ninka madaxda u ah kooxda Monitoring Group-ka ee ay Qaramada Midoobay u xilsaartay la socoshada cunaqabateynada hubka iyo la socoshada dhaqalaaha ee saaran dalalka Soomaaliya iyo Eritrea Matthew Bryden ayaa lagu eedeeyay in uu olole ugu jiro kala qeybinta dalka Soomaaliya.

Matt Bryden oo ah nin u dhashay dalka Canada islamarkaana qaba xaas soomaali ah (reer waqooyi ama S/land) ka soo jeeda ayay wararku sheegayaan in uu yahay nin u ololeeya madax-banaani ay hesho Somaliland.

Ninkan oo uu dhawaan madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay in uu ka soo horjeedo jiritaanka Soomaaliya ayaa amar ka soo baxay dowladda loogu diiday in uu soo galo dalka islamarkaana uu ka fuliyo howlihii ay Qaramada Midoobay u magacowday ee la socoshada dhaqaalaha iyo xayiraadda hubka Soomaaliya.

Matt ayaa laga hayaa hadal ah "Sii socoshada colaadda Somaliya waxaa ay faa`iido ugu jirtaa Somaliland, oo raadineysa madaxbanaani iyo aqoonsi"



Xaaska Matt oo lagu magacaabo Ubax Bryden (magaca ninka oo ay qaadatay) ayaa u haysa sadex caruur ah (2-wiil iyo 1 gabar), waxaana ay iminka daggan yihiin caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Akhriso warbixinta familka Matt: >> http://en.wikipedia.org/wiki/Matthew_Bryden

Matt ayaa isku haysta baasaboorada Canada iyo Somaliland.

Matt Bryden iyo kooxdiisa ayaa soo saaray dhawaan warbixin ay ku eedeynayaan madaxda dowladda iyo kuwii ka horeeyay taas oo la xiriirta dhaqaale la lunsaday iyo awoodo lagu takrifalay.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa isweydiina sababta ay Qaramada Midoobay ugu magacowday xil Soomaaliya nin aaminsan kala qeybinta umadda iyo dalka Soomaaliyeed.

TAAGEERADA MATT EE S/LAND: >> http://en.wikipedia.org/wiki/Matthew_Bryden

Xigasho: calanka

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)