|
Hay'adaha samafalka oo loogu baaqay inay gar gaar la soo gaaraan dadka Barakacayaasha ah
Mogadishu Axad 22 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Hay'adaha samafalka oo loogu baaqay inay gar gaar la soo gaaraan dadka Barakacayaasha ah.
Cabdi Cali Xasan Wasiir dowlaha wasaarada arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin dadka ku dhibaateysan Magaalada Muqdisho, wuxuuna fariin u diray Hay'adaha Samafalka..
Wasiir dowlaha ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dadka ku dhibaateysan Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan, wuxuuna ugu baaqay Hay’adaha samafalka iyo gacasatada inay gar gaaraan Dadka barakacayaasha ah.
Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirku in dhibka ugu weyn ee dadkan heysta in uu ka yimid abaartii ku dhufatay Soomaaliya oo aan la dabar jarin, taasina waxa ay sababtay in mar kale ay cawdaan dadka barakacayaasha ee ku dhaqan Muqdisho iyo hareeraheeda.
Dhinaca kale sanadkii hore ayay ahayd markii ay gobolada Soomaaliya ay ku dhufatay abaar baahsan sababtayna dhimashada dadka iyo duunyada, sidoo kale barakacyaashiim ugu badnaa ay yimaadaan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|