Somali News
    Hees  

C/kariin Dhaga badan oo beeniyay inuu iska casilay xilkii uu haayay

Mogadishu Axad 22 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

C/kariin Dhaga badan oo beeniyay inuu iska casilay xilkii uu haayay.

Abaan duuliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya C/kariin Yuusuf Aadan Dhaga badan ayaa ka hadlay warar ay qoreen qaar ka mid ah wabsedyada oosheegaayay inuu xilka iska casilay Dhaga badan, waxaana uu sheegay Abaan duuliyaha in arintaas ay tahay mid wax kama jiraan ah oo barabagaanto la dhoodhoobay ay tahay uuna tilmaamay in uusan is casilin sabab uu isku casilana aysan jirin.

"Ma jirto khilaaf aniga iyo madaxweynha noo dhxeeya, Madaxweynahana waa madaxweynahyga" ayuu yiri Dhaga badan oo sheegay inuu la socodsiinaayo qolyaha wararkaasi faafinaaya inuu sharciga hor keeni doono.

Dhaga badan waxa uu sheegay in howlgalka ay wadaan cidamada dowdda KMG ah uu sii socon doono oo ay wadi doonaan ilaa ay wadanka oo dhan gacanta ku dhigaan waa sida uu sheegay Dhaga Badan

Waxa uu hadalka ka soobaxay Dhaga Badan uu imaanayaa xili qaar ka mid ah wabsedyada ay qoreen inuu dhaga badan iska casilay xilkii uu ka hayay dowladda KMG ah taasina ay kadambeysay khilaafaad soo kala dhax galay madaxda dowlada iyo isaga.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)