Somali News
    Hees  

Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi oo ka digay Khilaafka Wakhtiga Eeddaanka Salaadaha Bisha Ramadaan

Hargeysa Axad 22 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi oo ka digay Khilaafka Wakhtiga Eeddaanka Salaadaha Bisha Ramadaan, go’aamana ka soo saaray.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa maanta kulan uu kula yeeshay xarunta wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Culimada iyo qaar ka mid ah iimaamada masaajidada Magaalada Hargeysa, kuwaas oo uu u jeediyey inay mideeyaan wakhtiga eedaanka Salaadaha.

Wasiirka oo ka hadlayey kulankan oo la xidhiidhay u diyaargarowga bisha barakaysan ee Ramadaanta iyo gudashada waajibka diiniga ah ayaa mas’uuliyiinta Masaajidada kula dardaarmay qodobadan:
-In eedaanka hore ee salaadda Subax aan lagu darin erayada (ASALAATU KHEYRU MINA NOOM) balse lagu daro eedaanka dambe ee waaberiga xiliga salaaddu joogto.

-In Labada eedaan ee salaadda subax ay u dhexayso afartan daqiiqo.

-In salaadaha dhamaan eedaankooda iyo aqiimistooda ay u dhexayso labaatan daqiiqo haddii ay isku deegaan xaafadeed ku yaallaan, haddii ay suuq tahayna ay u dhexayso muddo shan iyo Toban daqiiqo ah.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo ka hadlayey bisha barakaysan ee ramadaanta ayaa sheegay inay tahay fursad sanadkiiba mar soo marta umadda Islaamka waajibkeedana ay tahay in loo guto sida diintu ina farayso, lagana ilaaliyo waxii dhaawac u keeni kara Soonka iyo dadka sooman laftooda, halka sidoo kalena uu u digay dadka caadaystay in ay bisha barakaysan ee Ramadaanta manfac ka raadiyaan iyagoo cunto xaaraan ah ku diyaarinaya meelo qarsoon.

Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa,
Tel. 002522-4405388
mustaqbal7@hotmail.com

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)