|
Dhismaha Madaarkii Burco Oo la Bilaabay Iyo Wasiirka Duulista Iyo Hawada Oo Shacabka Reer Burco Ugu Baaqay
Hargeysa Axad 22 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Dhismaha Madaarkii Burco Oo la Bilaabay Iyo Wasiirka Duulista Iyo Hawada Oo Shacabka Reer Burco Ugu Baaqay Inay Kala Shaqeyan Dhismaha Madaarka
Waxa Saaka Si Rasmiya Uga Bilowday Magaalada Burco Bilowga Dhismihii Madaarka Burco, Iyadoo Ay Saaka Si Toosa U Galeen Madaarka Burco Cagafyo Iyo Ciidan Diyaar U Ahaa Rarista Dadkii Hareeraha Ka Yaallay Madaarka Burco.
Bilowgii Burburinta Iyo Rarista Meheradiihii Ku So Durkay Garoonka Ee Hareeraha Ka Deggenaa Laamiga Weyn Ee Dhinac Mara Garoonka Waxa Goob Joog Ahaa, Wasiirka Duulista Hawada, Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha Ee Dhinaca Amniga, Wasiir Kuxigeenka Hawlaha Guud, Xildhiban Cali Mareexan, Xildhiban Wabeye, Badhasabka Gobolka Togdheer, Maayarka Burco, Taliyaasha Ciidamada Booliska Iyo Milleteriga, Ciidamo Ka Kala Tirsana SPU Iyo RRU Iyo Guddigii Loo Xilsaaray Dib U Dhiska Garoonkani Oo Ay Hormuud U Ahaayeen Odayaal Iyo Engineero Uu Hormuud U Ahaa Eng Farax Xuseen.
Dadkii Deggena Hareeraha Madaarka Ayaa Iyagu Markii La Amray Inay Ka Guuraan Ka Furfurtay Meherahoogi Halka Kuwii Furfuran Waayeyna La Geliyey Cagafyo, Dadkii Iyagu Sheegan Jirey Dhulkaasi Laga Dumiyey Meheradaha Yaryar Ayaa Kulan La Qaatay Wasiirka Duulista Hawada Maxamud Xashi Cabdi, Masuliyiinta Madaarka Iyo Masuliyiintii Kale Ee Goob Jooga Ahayd, Waxayna Ku Cawdeen In Ay Dhulkan Sharciyo U Haystaan Balse Ay Dan Guud Markay Timaado Bixinayaan, Laakin Ay U Baahan Yihiin In La Meeleeyo, Maadaama Ay Ubad Yaryari Ku Nool Yihiin Nolol Maalmeedkooduna Ku Xidhnaa Meheradahan Cagafta La Geliyey.
Wasiirka Oo La Hadlayey Dadkaasi Sheeganayey Dhulkan Madaarka Hareerihiisa Ah Ayaa Sheegay In Go,Aan Dawladeed Oo Kama Danbays Ah Lagu Qaatay In La Dhiso Madaarkan, Waxa Uu Waxba Kama Jiraan Ku Tilmamay Warar Sheegaya In Madaarka Meel Kale Loo Bedelayo Isagoo Xusay In Madaarka Halkiisan Laga Dhisayo,Isla Markaasna Uu Yahay Madaarka Ugu Da,Da Weyn Madaaradda Somaliland, Wuxu Sheegay In Dhulka Laga Rarayo Dadku Aanu Ahayn Dhul Laga Baryayo Oo Ay Iyagu Leeyihiin Balse Uu Yahay Dhulkii Madaarku Lahaa , Maadaama Madarku Hore U Jirey Isla Markaasna Uu Dhisay Ingiriiskii Waddanka Haystay Wakhtiyo Hore.
Waxa Uu Wasiirku Ka Codsaday Dadkaasi Sheeganayey Hareeraha Madaarka Inay La Fududeeyaan Oo La Dhisaan Madaarka Dawladda Oo Go,Aansatay Unasoo Jeesatay Inay Wax Ka Qabato Oo Garoon Caalami Ah Ka Dhigto Madaarka Burco, Isago Ballan Qaaday In Wixii Kale Ee Tabashooyin Ah La Isaga Iman Doono.
Qaar Ka Mid Ah Dadkii Laga Burburiyey Goobahooda Ganacsi Ee Ku Yaallay Hareeraha Madaarka Ayaa Madaxweyne Siilanyo Iyo Maamulka Gobolkan Ka Codsaday Inay Hoos U Eegaan Duruufahooda Isla Markaasna Ay Meeleeyaan Dadkii Ku Hoos Noolaa Quudka Yar Ee Ay Kala Soobixi Jireen Meheradahan Yaryar Ee La Burburiyey, Waxay Sheegeen In Dadkani Illaa Markii Burco Lagu Soo Noqday Ay Halkaasi Degenayeen Immikana Aanay Garanayn Meel Kale Oo Ay U Guuraan.
Masuliyiintii U Timi Dhismaha Madaarakani Oo Warbaahinta La Hadlay Yaa Si Isku Mid Ah Dadweynaha Uga Codsaday In Qaybtooda Ay Ka Qaataan Dhismaha Madaarkii Burco Oo Baahi Weyn Ay U Qabeen Reer Togdheer, Waxay Sheegeen In Shuruud La,Aan Ay Ku Burburiyaan Kagana Guuraan Goobaha Garoonka Badhtankiisa Ah Ee Ay Deggen Yihiin.
Ugu Danbayntii Tallaabadan Garoonka Lagu Dhisayo Ayaa Noqonaysa Tii Ugu Horeysay Ee Xukuumaddu Si Dhab Ah Uga Fuliso Gobolka, Iyadoo Go,Aankan Garoonka Lagu Dhisayana Ay Soo Dhoweyeen Dadweyne Aad U Tiro Badan Oo Ku Sugan Gudaha Gobolka togdheer Iyo Qurbahaba, Balse Ay U Cuntami Wayday Dadkii Guryahooda Iyo Hantigooda La Burburiyey Ee Sarfeygu Maray.
Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa,
Tel. 002522-4405388
mustaqbal7@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|