Somali News
    Hees  

Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed oo Musharaxnimadiisa Kalsooni uga raadinayaa Beelaha Soomaaliyeed Gaar ahaan Kuwa Muqdisho

Mogadishu Axad 22 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed oo Musharaxnimadiisa Kalsooni uga raadinayaa Beelaha Soomaaliyeed Gaar ahaan Kuwa Muqdisho

Madaxweynaha Dowlada KMG Somaliya Sheikh Sahriif Sheikh Axmed oo todobaadkii hore si rasmi ah ugu dhawaqay in uu masharax u yahay qabashada Mar kale Xilka Madaxtinimada Somaliyaa ayaa dhowrkii Cisho ee ugu dambeyay waxaa uu kulamo kalsooni raadin ah uu la lahaa qaar ka tirsan Beelaha Somaliyeed Gaar ahaan kuwa uu ka soo jeedo.

Madaxweyne Shariif ayaa mudadii lagu jiray Bishan Barakeysan ee Ramadaan waxaa uu Afur la qaadanayay Odayaasha Qaar ka Tirsan Beel weynta Abgaal Cismaan si ay ugu taageeraan in uu mar kale xilka Hogaanka dalka uu Hanto.

Madaxweynaha waxaa uu xalay Afur lalahaa Beesha Wacbuudhan Abgaal waxaana uu ka dalbaday in ay beeshu ku taageerto in uu mar labaad isago u sheegay in uu kalsooni buuxda uu ka heysto beesha Caalamka kula kasoonyahay in uu jagada mar labaad qabto.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in bisha Ramadaan uu habeenba la afuro mid ka mid ah balaha Somaliyeed si uu Umada Guud ahaan uga helo Kalsooni

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)