Somali News
    Hees  

Dibadbaxayaal Mudaaharaad ka sameeyay Degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir

Mogadishu Axad 22 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Dibadbaxayaal Mudaaharaad ka sameeyay Degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir

Degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir waxaa maanta ka dhacay dibad bax ay soo qabanqaabiyeen barakacayaasha ku noo degmadaasi, kuwaasoo ka cabanayay xaalad nolol xumo oo la soo darastay.

Dibadbaxayaasha oo isgu soo baxay wadooyinka waaweyn ee degmadaasi ayaa muujinayay in xiligaan ay u baahanyihiin in gargaar degdeg ah lala soo gaaro.

Gudoomiyaha degmada Huriwaa Cumar Cabdulle “Jacfaan” oo la hadlay qaar ka mid ah idaacadaha maxaliga ah ayaa ka warbixiyaya xaalada barakacayaasha ku suga degmadiisa, waxaana uu tilmaamay inay ku jiraan xaalad aad u liidata.

Waxaa uu sheegaya Cumar Jacfaan in barakacayaasha ay u baahanyihiin kaalmo degdeg ah, isagoo ugu baaqay dhamaan hay’adaha gargaarka inay u soo gurmadaan barakacayaasha ku nool degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Dibadbaxan maanta ay dhigeen dadka barakacayaasha ee ku nool Degmada Hilliwaa ayaa wuxuu ku soo aadaya xili lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)