Somali News
    Hees  

Ben Bekkering “Guul ayaan ka gaarnay la dagaalanka burcad badeedda”

Mogadishu Axad 22 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Dowladda Yemen oo rag Al-Shabaab ka tirsan qab qabtay

Gudoomiyaha gobolka Abyan ee wadanka Yemen Waxiid Rashiid ayaa u sheegay wargeyska Yemen Post in ciidamadooda amaanka ay gacanta kudhigeen 4 ruux oo Soomaali ah oo uu ku sheegay inay ka tirsan yihiin Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta.

Waxiid Rashiid waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in hawlgalo ay sameeyeen ay ku qabteen 4 ruux i uu tilmaamay inay Shabab ka tirsan yihiin isla markaana ay damacsanaayeen inay ku biiraan dagaalyahanada ururka Ansaaru Diin la yiraahdo wadankaasi ka dagaalama.

“Afar ruux oo Soomaali ah oo doonyo ka soo dagay ayaanu qabanay oo hadda gacanta ku haynaa waxay ka tirsan yihiin Al-Shabab Ansaaru Diin inay ka bar bar dagaalamaan ayay u socdeen” ayuu yirti gudoomiyaha gobolka Abyan ee wadanka Yemen Waxiid Rashiid waxaana uu intaa ku daray in tan iyo bishii March ee sanaadkaan ay wadanka Yemen tageen in ka badan 300 oo dagaalyahan oo Soomaali ah kuwaasoo Shabab ka tirsan.

Mas’uulkaan ka tirsan xukuumadda Yemen waxaa uu sidoo kale shaaciyay inay hadda wadaan hawlgalo dheeraad ah oo ciidamadooda amaanka iyo kuwa badda ay ku baadi goobayaan shaqsiiyadka damacsan inay ku biiraan kooxaha hubeysan ee wadankaasi ka dagaalama.

Soomaali badan oo qaarkood ay tahriibayaal yihiin ayaa si joogto ah u gala wadanka Yemen inkastoo ay ayaamahaansoo baxeen warar ah in dalkaasii tagaan dagaalyahano Al-Shabab ka tirsan.

Madaxda ciidamada m/mulka Puntland ee Soomaaliya ayaa shalay shaaciyay inay gacanta ku dhigeen nin udhashay wadanka Yemen oowaday doon ay sheegeen inay Al-Shabab hub u waday.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)