Somali News
    Hees  

Xarunta Ololaha Doorashada Murashax Dr. Cabdiraxmaan Baadiyoow oo soo saartay Warsaxaafadeed

Mogadishu Axad 22 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Xarunta Ololaha Doorashada Murashax Dr. Cabdiraxmaan Baadiyoow oo soo saartay Warsaxaafadeed

Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay xafiiska ololaha doorashooyinka Murashax Dr. C/raxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow ayaa lagu taageeray hadalkii Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ee xayiraadda lagu saaray dhoofka dhuxusha Soomaaliya looguna digay madaxda dowladda Soomaaliya.

Haddaba warsaxaafadeedka ayaa wuxuu u qornaa sidan:

1. Xaruntu waxay soo dhawaynaysaa cunna-qabataynta uu Madaxweyne Barack Hussein Obama saaray in laga ganacsado dhuxusha Soomaaliya loona iib geeyo wadanka dibaddiisa.

2. Waxaa kaloo aan garab taagan-nahay in la dardar-galiyo geedi-socodka kala guurka dalka.

3. Xarunta Dr. Baadiyow, waxay kaloo aad ugu faraxsan tahay in uu madaxweyne Obama dhiirri-galiyay inaysan xukunka kusoo noqon madaxda sarsare ee DKMG ah oo ku eedaysan musuqmaasuq iyo lunsi hanti Qaran.

4. Ugu danbayntii waxaan soo dhawaynaynaa warbixintii kasoo baxday Obama oo sheegaysa in Mareykanka uu kala shaqeyn doono Soomaaliya, dalalka gobolka iyo beesha caalamka sidii loo cabsi-gelin lahaa kuwa khatarta ku ah ammaanka, nabadda iyo deggenaashaha Soomaaliya.

Allaa Mahadleh

Xafiiska Warfaafinta ee Xarunta Ololaha Doorashada
Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyoow)

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)