|
Kooxda Al-Shabaab oo rag ay ku eedeeyeen Jaasuusnimo ku dilay Magaalada Marka
Mogadishu Isniin 23 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kooxda Al-Shabaab oo rag ay ku eedeeyeen Jaasuusnimo ku dilay Magaalada Marka.
Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose waxaa shalay galab la toogtay saddex nin oo lagu eedeeyay inay u basaasayeen dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska.
Raggaan la toogtay ayaa ka tirsanaa kooxda Al-shabaab hase yeeshee waxaa lagu eedeeyay inay ka danbeeyeen duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay ku dileen saraakiil sarsare oo ka tirsan Al-shabaab iyo Al-qaacida.
Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ee kooxda Al-Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo ka hadlay fagaaraha dilka uu ka dhacay ayaa sheegay in ragaan ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, hase yeeshee ay ahaayeen jawaasiis u shaqeyneysay sirdoonka Mareykanka iyo kan Ingiriiska.
Abuu Cabdalla ayaa ku goodiyay inaysan ka baxsan doonin gacanta mujaahidiinta cid waliba oo isku dayda in war ay ka gudbiso kooxda Al-Shabaab.
"Waxaan u sheegayaa dadka jaajuusiinta ah ee wararka ka gudbinaya mujaahidiinta inaysan ka baxsan doonin gacanta mujaahidiinta Illaaheey fadligiis mid kasta oo jaajuus ah waxaa lagu tooganayaa fagaare" ayuu yiri Abuu C/lla.
Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxa ay falal dil ah ku fuliyeen dad ay ku eedeeyeen inay yihiin jawaasiis u adeegaya waxa ay ugu yeeraan cadowga Alle, hase yeeshee waxaa la tilmaamaa in dadka ay tooganayaan ay yihiin dad ka horyimid amaradooda, iyadoo dadka xukunka lagu riday ay kala yihiin sidan:
1- Yaasiin Cismaan Axmed: oo ay sheegeen Shabaabku inuu mas'uul ka ahaa duqeyn ay diyaarad Drone ah ka geysatay deegaanka No.60 ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo lagu dilay Sedax ka mid ah Shabaabka kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Abuu Ibraahim oo Maroccan ahaay iyo Abuubakar Al-markaawi oo Soomaali ahaa, sidaasi ayay ku dileen Shabaabku Yaasiin, iyagoo sheegay inuu u shaqeynayay CIA-da Mareykanka.
2- Isxaaq Cumar Xasan: ayay Shabaabku sheegeen inuu madax u ahaa Yaasiin oo isagu ku guuleystay in uu Bilaal AlBarjaawi Abuu Uxud gaarigii uu la socday ugu xiro Aaladda GPRS ee sataleytka ku xiran eedeyntaasi ayay sheegeen Shabaabku inay ninkaasi kalena inay ku dileen.
3- Mukhtaar Ibraahim Sheekh Max'med oo ay Shabaabku sheegeen in magaca Ciise ku shaqeysan jiray, iyagoo sheegay inuu u shaqeynayay Hay'adda MI6 ee dowladda UK, dad badan oo uu macluumaad ka gudbiyay ayaa lagu tacdiibiyaa xabsiyada Somaliland iyo jeelasha qarsoodida ah ee reer galbeedku ku leeyihiin bariga Afrika, Mukhtaar wuxuu xubin ka ahaa shaqaalaha hay'adda MI6 ee UK xafiiska Hargaysa WG Somaliya, sidaas ayay sheegeen Shabaabku inay isagana ninkaasi ku dileen.
Dhinaca kale waxaa jira in Shabaabku raga ay dilayaan inay ku eedeeyaan inuu qofkaasi yahay mid Jaajuus ah, si qofkaasi dilkiisa u xalaalaystaan, iyadoo dadka ku dhaqan Magaalada Marka qaarkood sheegayaan inay ragaasi la dilay ay ahaayeen kuwo Shabaabka ka tirsanaa oo iyaga qilaafay, siadaasna lagu dilay, inkastoo ay jiraan warar kale oo iyana sheegaya in ragaasi la iska dilay oo ay ka mid ahaayeen dadka ku dhaan deegaanka Marka.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|