Somali News
    Hees  

Weriye C/qaadir Kuwaaral oo maanta arrimo caafimaad dartood loogu qaaday magaalada Nairobi

Mogadishu Isniin 23 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Weriye C/qaadir Kuwaaral oo maanta arrimo caafimaad dartood loogu qaaday magaalada Nairobi

Weriye C/qaadir Cumar Cabdulle oo ka tirsanaa shaqaalaha Telefishanka Universal oo 7-dii bishaan koox dabley ah ku dhaawaceen gurigiisa oo ku yaala deg. wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa maanta loo duuliyay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya si halkaasi loogu soo daweeyo.

Ururka Mideynta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee UYS ayaa dhibane C/qaadir ugu deeqay inuu gacan ka geysto wax ka qabashada arrimihiisa caafimaad, iyadoo maanta ay si wadajir ah garoonka uga dhoofiyeen mas'uuliyiin isugu jirta Xildhibaano, Guddoomiyeyaasha Warta Nabadda iyo Haweenka G/Banaadir iyo Afhayeenka G/Banaadir iyo qaar ka mid ah Weriyeyaasha Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Dhibane Weriye C/qaadir Cumar Cabdulle (Kuwaaral) oo dhaawiciisa wax looga qaban waayay dalka gudihiisa ayaa waxaa suurtagashay in loo qaado magaalada Nairobi, kaddib markii Ururka UYS uu u fidiyay gargaar caafimaad, isla markaana ballanqaaday inuu bixinayo dawooyinka iyo daryeelka caafimaad.

Xildhibaan Yaasiin Bucul oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Baarlamaanka oo khudbad ka jeediyay munaasabadda sagootinta ah ee loo sameeyay, isagoona sheegay in Dowladda KMG ah ay ku guul darreysatay in weriyeyaasha ku dhaawacma Muqdisho ay u fidiso daryeel caafimaad.

"Waa nasiib darro in Dowladda KMG ah ay ku fashilantay in weriyeyaasha Muqdisho ay daryeel caafimaad u fidiso" ayuu yiri Xildhibaan Yaasiin Bucul oo sidoo kale sheegay in maamulka Telefishanka Universal aanay waxba ka qaban dhaawaca soo gaaray Weriye Kuwaaral.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)