Somali News
    Hees  

Masuuliyiinta Gobolka Mudug ee Puntland oo billaabay howgal ka dhan ah Burcad-badeedda

Mogadishu Isniin 23 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Masuuliyiinta Gobolka Mudug ee Puntland oo billaabay howgal ka dhan ah Burcad-badeedda

Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka bilaabmay howgal balaaran oo ay ciidamada maamulka Puntland ku baadi goobayaan kooxaha Burcad-badeed yihiin,khal khal geliya ammaanka iyo xasiloonida guud ee Gobolka Mudug.

Hawlgalkan oo bilaawday habeennimadii xalay waxaa ku geeriyoodey ugu yaraan 2 qof, kadib markii uu iska hor imaad muddo kooban socdey dhex maray ciidamada ammaanka iyo kooxo Burcad-badeed ah, wax yar ka hor xilgii Suxuurta.

Iska hor imaadkaas ayaa yimid kadib markii ay ciidamadu toogasho ku dileen nin la sheegay in uu Burcad-badeeda ka tirsanaa, kaas oo sida ay saraakiil Booliska ka tirsani sheegeen ka madax adeygay amar lagu siiyey in uu istaago, si muraayadaha gaarigiisa looga fiiqo bacaha madow, kuwaas oo ay horay Puntland isticmaalkooda u mamnuucday.

Beryihii u danbeeyey waxaa magaalada Gaalkacayo gaarey ciidamo badan oo Boolis iyo Daraawiish isugu jira, ciidamadan ayaa sida wararka lagu helayo waxay Gaalkacayo u tageen sidii amaanka magaalada looga dhigi lahaa mid sugan.

Sidoo kale madaxda ugu sareysa maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacayo ee Puntland waxay mudooyinkii u danbeeyey ku sugnaayeen magaalada Garoowe, waxayna kulamo gooni gooni la lahaayeen madaxda sare ee Puntland sida madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

Si kastaba ha ahaatee howgalkan ayaa imaanaya todobaad kadib markii gobolka Mudug laga afduubtay 3-qof oo u shaqeynayey mid kamid ah hay'adaha maxalliga ah ee samafalka, mas'uuliyadda afduubkaasna waxay qaar kamid ah madaxda gobolku dusha uga tuureen kooxaha Burcad-badeeda ah.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)