Somali News
    Hees  

Madaxweyne Shariif " Xildhibaannada imaan doona waxay awoodaan wax ka bedelka Dastuurka Qabyada ah

Mogadishu Isniin 23 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Madaxweyne Shariif " Xildhibaannada imaan doona waxay awoodaan wax ka bedelka Dastuurka Qabyada ah

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la hadlayay Warbaahinta Dowlada ayaa soo hadal qaaday wax ka bedelka dastuurka, qabyada ah looga baxayo xilliga KMG ah iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin inuu beeniyay inuu xubin aha ahaa kooxda Aala-Sheekh.

Shariif wuxuu sheegay in dowladdu ay ka go'an tahay inay dhameystirto xilliga KMG ah oo ay ka harsan tahay 25-maalmood, isagoo sheegay in howsha uu hayo ay tahay mid uu ummadda Soomaaliyeed u hayo, balse aysan jirin koox uu si gaar ah ugu shaqeeyo.

Sidoo kale, Shariif ayaa tilmaamay inay howlaha harsan ku dhameystiri doonaan muddada yar ee ka harsan xilliga ay shaqeynayso dowladda Soomaaliya ee hadda jirta isagoo xusay inay socoto soo xulidda xubnaha baarlamaanka.

"Waxaan rajeynayaa in muddada yar ee harsan lagu dhameystiro howlaha ka harsan ka bixitaanka xilliga KMG ah, wax walbana waxay ku qabsoomi doonaan sidii loogu tala galay," ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in dib u dhac uu imaan karo.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomalaiya, wuxuu sheegay inuusan jirin xisbi ama koox la yiraahdo Aala-Sheekh oo uu isagu ka tirsan yahay, isagoo xusay inay yihiin wararkaas kuwo been ah oo aan jirin.

Madaxweyne Shariif Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in dowladda KMG ah ay soo dhaweynayso cid walba oo kasoo goosata Al-shabaab, isagoo xusay inaysan ogolayn Al-shabaab inay wadahadal la galaan dowladda, balse ay iyaga ka go'an tahay inay soo dhaweeyaan cid walba oo dhankooda kusoo biirta.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)