|
Col. Cali Aadan Xaamud : " Ciidamadeena waa sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan Shabaab.."
Mogadishu Isniin 23 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Col. Cali Aadan Xaamud : " Ciidamadeena waa sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan Shabaab.."
Afhayenka Ciidamada AMISOM Cali Aadan Xaamud ayaa ka hadlay dagaalada ay kula jiraan Al-Shabaab ee ka soconaya qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dagaaladaasi ay ka socdaan gobolada dalka qaarkood.
"Dagaalada aan kula jirno Al-Shabaab waan dardar galinaynaa, ciidamdoodanana si aad ah ayaa loo qalabeeyay" ayuu yiri Afhayeenka AMISOM wuxuuna sheegay in dagaalada dhulka ah ee ay kula jiraan Shabaab ay ku soo kordhinayaan dagaalo cirka iyi Badda ah si loo wiiqo awooda Shabaab.
Sido kale afhayeenka oo mar la weydiiyay howlgalada ay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay ka wadaan gobolada Gedo iyo Jubada Hoose ayaa wax uu tilmaamay in howlgaladaas ay ka war hayaan sidii loogu talagalay inay u socdaan dagaaladaasi.
Dhinaca kale afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa hadalkiisa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo maalmo ka hor ay dowlada Mareykanka ku dhawaaqday in AMISOM ay siinayso diyaaradaha Dronska ee aan duuliyaha laheyn.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|