Somali News
    Hees  

Md.Farmaajo: "Haddii aan ku guuleysto tartanka Madaxweynenimo isbedello horumarin ayaa dalka ka dhacaya"

Mogadishu Isniin 23 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Md.Farmaajo: "Haddii aan ku guuleysto tartanka Madaxweynenimo isbedello horumarin ayaa dalka ka dhacaya"

Musharaxa jagada Madaxweynenimo Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo ku sugan magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa shir jaraa'id oo uu u qabtay Warbaahinta gudaha iyo dibada waxa uu uga hadlay musharaxnimadiisa, isagoona caddeeyay in haddii uu ku guuleysto tartanka Madaxweynenimada Soomaaliya dalka ku soo kordhinayo isbedello horumar dhinac walba leh.

Waxa uu ka hadlay dalka Soomaaliya mudadii 20-ka sano inuusan helin madax cadaalad wax ku maamusha, isagoona sidoo kale eedeeyay wixii madax ahaa ee dalka soo maray inaysan dalka u horseedin hoggaan daacad ah, wuxuuna sheegay in taasi ay ka dhalatay is barbar yaac inuu ka yimaado hay'adihii Dowladda, in la lunsado hantida Qaranka ee la doonayay in dib loogu dhiso hay'adaha amniga iyo maxkamadaha garsoorka.

"Haddii aan ku guuleysto tartanka Madaxweynenimo isbedello horumarin ayaa dalka ka dhacaya" ayuu yiri Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo mar Ra'iisal Wasaare ka ahaa Dowladda KMG ah, iyadoo la ogaa wixii ka dhacay markii Farmaajo la yiri "Xalku waxa uu ku jiraa inaad xilka dhigto" isla markaana shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad bannaanbaxyo waaweyn uga hortageen xil ka qaadistiisa.

Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) waa shaqsiga kaliya ee Soomaali meel ay joogtaba uga bannaanbaxday iyadoo aan qabiil, midab iyo jinsi toona ku taageerin Farmaajo, waxayna taageeradaasi ka xanaajisay Madaxda Dowladda KMG ah.

Beesha Caalamka oo Dowladda KMG ahi ku taagan tahay ayaa si cad u sheegtay markaan inay taageereyso rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, taasi oo ay muuqato fagaaraha doorashada Madaxweynenimo haddii la isugu soo baxo inaan lagu daaheynin oo xitaa musharaxiinta kale ay ugu shubi doonaan Musharaxa Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo).

Dhinaca kale Musharax Farmaajo ayaa sheegay inuu kalsooni badan ka heysto markaan beesha caalamka iyo wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya, iyagoo u aqoonsaday inuu yahay shaqsiga kalsoonida faraha badan ka heysta shacabka Soomaaliyeed, iyagoo arkay waxqabadka mudadii uu hayay xilka Ra'iisal Wasaarenimo.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)